Sheekh Mukhtaar Robow Oo Iskaga Baxay Xubin-nimadii Ururka Al-shabaab Iyo Hoggaamiyaha Cusub Oo La Xaqiijiyey Inuu Wax Badan kaga Duwan Yahay Kii Ka Horreeyey
Muqdisho:April:02,2015(SDN/QJ)-Sarkaalka hore uga tirsanaan jirey ururka Al-shabaab, balse Haatan dhinaca Xukuumadda u baydhay, ayaa ka sheekeeyey kala duwaanshaha fikir ee kadhex jira hoggaanka Ururkaas uu kamidka ahaan jirey, waxana uu magacaabay saraakiil muhiim ah oo ururka iskaga baxay.
Sarkaalka oo lagu magacaabo Sakariye Ismaaciil Xersi oo loo yaqaano (Zaki),ayaa si gaar ah u magacaabay Sheekh Mukhtar Roobow Abu Mansuur oo uu tilmaamay inuu xilli hore iska baxay xubin-nimadiisii ururkaas Al-shabaab.
Sakariye Ismaaciil oo u warramay idaacadda VOA-da, ayaa tilmaamay in Sheekh Mukhtar Robow uu Kooxdaas iskaga Baxay Muddo haaatan saddex sano laga joogo, kadib markii ay xagga fikirka ku kala baydheen Hoggaamiyihii ururkaas ee geeriyooday Sheekh Axmed Cabdi-godane.
Sakariye wuxuu sheegay in Abuu Mansuur uu yahay shaqsiga kaliya ee xag Diin iyo xag Caqli kasoo hadhay madaxdii Shabaab, maadaama uu garawsaday inuu ka baxo Ururkaasi, kadib markii aanu jecleysan sida ay wax u socdaan.
Abuu Mansuur wuxuu sheegay in saddex sano ka hor markii uu ka baxay Shabaab uu go’aan ku gaaray inuu ku noolaado deeganada uu kasoo jeeda ee Baay iyo Bakool oo ilaa hada uu ku nool yahay.
“Sheekh Muqtaar mar hore ayuu ka tagay Shabaab waa qofka kaliya ee Diin, caqli iyo waxgaradnimo ka soo haray madaxdii Shabaab 3-sano ka hor ayuu ka baxay wuxuuna ku nool yahay deeganada uu kasoo jeedo.” Ayuu yidhi Sakariye Ismaaciil.
Waxa kale uu Sakariye ka waramay hogaamiyaha cusub ee Al Shabaab ninka lagu magacaabo Ahmed Omar Abuu Cubeyda, karti ahaan iyo sida shaqada hogaanka Shabaabka uu u wadi karo, isaga oo tilmaamay in Ahmed uusan laheyn ad-adeegii Hogaamiyihii hore ee Shabaab, balse isku feker ay yihiin isaga iyo Hogaamiyihii la dilay.
“Axmed Diiriye Gobol ayuu Guddoomiye ka ahaa anaga ayuu na hoos taggi jiray waa nin shaqo badan oo karti badan mana filaayo meeshii uu ku jiray Godane inuu buuxin karo, karti ahaan go’aan adeeg iyo calool adeeg laakiin waa isku feker.” Ayuu warkiisa sii raaciyay Saki.
Wixii ka dambeeyay markii la dilay Hogaamiyihii Shabaab Ahmed Godane, waxaa habacsanaan ku timid Ururka Shabaab oo noqday mid Saraakiil badan ay ka goostaan oo dhanka Dowladda ay ku biiraan.
SDN/QJ