Sheekh Aadan Sunne Oo Codsaday In Loo Keenno Tuducyo Ka Mida Gabayada Abwaan Tima-cadde Oo Uu Sheegay In Laga Saaray Diiwaankiisa
HARGEYSA — Sheekh Aadan Cabdiraxmaan Warsame [Sunne] oo ka mid ah Culimada Hargeysa, ayaa Tafaasiil ka bixiyey faham uu ka qaatay laba Tuduc oo ka mid ah laba Gabey oo ka mid ah Suugaantii Alle ha u Naxariistee Abwaan Cabdillaahi Suldaan Tima-cadde, kuwaasi oo ka hadlaya ahmiyadda ku dhaqanka Diinta Islaamka iyo ilaaqaad lala yeesho dawladaha Reer galbeedka.
Sheekh Aadan-Sune, wuxuu sheegay in labadaa tuduc ee ka midka ah gabayada abwaan Tima-cadde uu rumaysan yahay in dad dano gaar ah lihi ka saareen diiwaanka abwaanka isla-markaana uu waayay.
Sheekha oo ka hadlayey ayaa yidhi, “Suugaanta abwaan Tima-cadde qayb baanad ka helaynin meelaha wax lagu keydiyo oo laga masaxay, waan doon-doonay waanan waayay ee ninka helaa anniga ha ii keenno.”
Sheekh Aadan-Sune, oo sii hadlaya, ayaa sheegay, “Konton Sannadood horteed buu gabiyey tiriyey abwaan Tima-cadde, waxaana gabeygaas midhaha aan ka waayey meelaha wax lagu keydiyo ka mid ah:-
Mas Waabaydii lama dhuunyado iyo Midhihii dhunkaaleede
Manfac aan la cunin baa jiroo Mawdka kuu sida
Maraykan iyo waa kay baxshaan Madaxda NATO.
Waxaanu intaa ku daray, “Mar kale wuxuu Abwaanku leeyahay, ‘Ninka ka duday Dastuurka iyo Waxyiga Diinta ka carrowye’.
Labadaaba waan baadhay oo waan ka waayay diiwaanka suugaanka abwaan Tima-cadde, illeyn waalla dabar-tirayaaye, ninkii helaa ha ii keenno.”
Sheekhu waxa uu sheegay in arrimahaa uu abwaanku ka hadlayey wakhtigaa fog ay maanta haystaan ummadda Islaamka ah oo ay Soomaalidu ka mid tahay.