Sheekh Aadan Siiro Oo 4-Bilood ka dib Hargeysa Ku Soo Noqday iyo Soo Dhaweyn Ballaadhan Oo Loo Sameeyey
Hargeysa:23-April-2014(SDN/QJ)-Sheekh Aadan Xaaji Maxamuud Xiirey (Aadan siiro) oo Muddo xaalad Caafimaad ugu maqnaa dalka Dibaddiisa ayaa Maana Si Weyn loogu soo dhaweeyey Magaalada Hargeysa.
Sheekh Aadan ayaa waxa soo dhaweyntiisa ka qaybqaatay shacab, masuuliyiin, cuqaal,Salaadiin iyo Dadweyne Tiro badan oo ay gadh-wadeen ka ahaayeen Guddi loo xilsaaray qabanqaabada soo Dhaweyntiisa.
Waxa uu sheeku Muddo Afar Bilood ku dhaw Safar Caafimaad ugu maqnaa Waddanka Malesia, isagoo Haddana dalkiisa Hooyo ku soo guryo noqday.
Caafimaadka Sheekha ayaa ah mid aad u fiican, waxana uu Khudbad uu u jeediyey Dadkii soo dhaweynayey uga mahadnaqay sida qiimaha leh ee loo soo dhaweeyey.
“waxan u mahadnaqayaa dadkan reer Somaliland ee sida wanaagsan ii soo dhaweeyey, intii aan walaalayaal idinka maqnaa isbeddelo badani waa jiraan wax badanina waa soo kordheen, waxanse jecelahay markaan Arrimahaas Eegno dadkii wanaagsanaana aan la tashado aan wax ka odhan doono.” Ayuu yidhi Sheekh Aadan Siiro.
Sheekh Aadan Maxamuud Xiirey waxa uu sidoo kale si gaar ah ugu mahad naqay shacabkii muddadii uu dalka ka maqnaa xidhiidhka la samaynayey ee Caafimaadkiisa la socday iyagoo caadimaad u baryayey, waxana uu yidhi, “Waxan u mahad naqayaa Dadkii Khayrka Badnaa ee aad iyo Aad u danaynayey Caafimaadkayga intii aan Maqnaa ee Habeen iyo Maalin ila soo xidhiidhiyey ee I weydiinayey Caafimaadkaygu halka uu marayey iyo kuwii khayrka Badnaa Habeenka Madow iyo saacadaha wax la aqbalo ilaahay ii baryayey.”
Sheekha ayaa carrabka ku dhuftay in dadka intooda jilicsan ee wanaagga jeceli ay yihiin kuwa feejignaanta badan iyo dhugmada u leh Horumarka iyo Nabadda dalka ka jirta, “ kollayba waxan jecelahay Dadka kuwa Hooyooyinka agoonta korinaya, kuwa lugaha la’ iyo kuw indhaha la’ iyo kuwa Dalkani u soo leeleelay ee Runtii cid Taqaanaa ay yartahay ee maryaha cas-cas leh ee marka ay waddooyinka marayaan inta badan ku duceeya ilaahayow dalka noo hagaaji, kuwaasi waa kuwa Awooddoodu ay ilaalinayso dalkan maanta ay wadno ee dhacdadii ugu dambaysay ee jeelka ka dhacday u gurmaday.”
Waxa uu si gaar ah u tilmaamay in Dalku yahay mid ku filan dhammaanba Muwaadiniinta reer Somaliland meel kasta oo ay joogaan, isagoo ku Boorriyey in si wada jir ah loo ilaaliyo Nabadda, waxana uu isagoo arrimahaas ka hadlaya uu yidhi, “Nabaddaa, Wanaaggaa aynu hayno iyo midnimadaas iyo dalkeenanan kooban ee Qaniga ah inaynu iskugu tagno Horumarkiisa weeye Taladayda Guud, Runtiiina maanta waxa Loo Baahan yahay Ahlu xal wal Caqdii, Guud, Culimaduna waxay yidhaahdaan kuwa waxna xidha waxna Gunta, Waana inta Aqoonta, Aragtida, Hoggaanka, wanaagga, Ururinta iyo Hal abuurka lagu Tuhmayo oo Runtii Bulshada o dhan ka kooban.”
Sheekh Aadan ayaa caan ku ah inuu Bulshada si weyn uga wacyigeliyo waxyaabaha dib u dhaca ku keena iyo tallaabooyinka aan Haboobayn ee dalka ka dhaca, waxana uu sidoo kale kaalin muhiim ah kaga jiraa Tallaabooyinka lagaga qayb qaadanayo Arrimaha horumarinta Dalka iyo caawinta Danyarta iyo dadka jilicsan.
S.D.N/QJ-Hargeysa
Contact@qurbejoog.com