|

Sheekh Aadan Siiro “Doorashada Waxa Lagu Gelayaa Yaa Hadal Badan oo Gurasho Badan, Xukuumadda Maanta Jirtaana Waxay Ku Guul-darraysatay….

Hargeysa Nov 03,2012(SDN/Hubaal)- Sheekh Aaden Xaaji Maxamuud Xiiray (Aaden Siiro), ayaa Komiishanka doorashooyinka Qaranka ugu baaqay inay si caddaalad ah uga garsooraan doorashada golayaasha deegaanka Somaliland, isaga oo shacabkana ugu baaqay inay nabadgalyadda ilaashadaan.

Sheekh Aaden Siiro oo khudbadii jimcaha ee Masjidka Xaafada Xawaadle  shalay ku soo qaatay arimaha doorashada iyo sida ay muhiimka u tahay in caddaalada la ilaaliyo si nabadgalyadda dalku aanay dhibaato u gaadhin, isaga oo xukuumadda ku canaantay diwaangalin la’aanta lagu gallayo doorashada deegaanada dalka.

Sheekh Aaden Siiro, sidoo kale waxa uu wax laga xishoodu ku tilmaamay waxqabadka xukuumaddu sheegtay 70%-ka, isaga oo xusay in laga yaabo in Masuuliyiin badan oo xukuumadda ka mid ahi aanay ogeyn in 70% qoysaska reer Hargeysa baahi weyn ay qabbaan.

Sheekh Aaden Siiro oo ugu horeyn ka hadlaya Masuuliyiinta xuuumadda ee fagaarayaasha kaga khudbadeeya weedhaha xaqiiqada ka fog ayaa yidhi “Maanta qof dhan oo masuul ah oo xisbi ama xukuumad difaac ah ayaa ku dhiiranaya wax ilmaha yari garanayo, bahasha markaad sheegayso shaadh ayaa loo galiyaaye si ay dadku u qaataan, Laakiin iyadda oo duuduuban oo malaasan ayay dadkii u dhiibayaan, Hebel raali-gali, xisbi raali-gali oo ILAAHA wax walba u tirsan yihiin ee og been u sheeg waa shay aan meelna ku banaanayn”

Sheekh Aaden Xaaji Maxamuud, waxa uu fariin u diray Komiishanka doorashooyinka Qaranka “Amaanada ayay ka mid tahay in qofku waxa uu qabanayo hagaajiyo iyo toosiyo, taasina waa sifooyinka Muuminka, markaa Komiishanka waxaanu leenahay waar camalkiina suga oo dadka baahan ee dhibaatada hayso ee aad ogtihiin in tobanaan kun oo carruurtoodii ahi shaqo la’yihiin, laakiin nabada yar uun haysta, nabadaasina waxay ku xidhan tahay inay cadaalada u kala sugaan”ayuu yidhi waxaanu intaa ku daray isaga oo xukuumadda duraya “Xukuumadda maanta jirtaa waxay ku guul-dareysatay inay diwaangalin lagu gallo doorashada, maantana waxa lagu galayaa doorashada yaa hadal badan, yaa been badan, yaa qaylo badan, yaa ku gurasho badan, yaa lacag badan, awal waala yaqaanay tiradda kaadhadhka doorashada oo waxa la ilaalinayey oo kaliya inaanu qofku laba jeer codaynin, laakiin maanta komiishanka hawl badan-baa u taalla, xukuumaddana way ku raaceen in diwaangalin la’aan gallo iyagga oo markii hore diidanaa, haddana waynu kula wadaynaa oo waxaynu leenahay umadda dhex ha loogu ahaado ha ilaaliyaan ugu yaraan, umaddana waxaanu leenahay nabadiina ilaashada, nabadeena ku halayn mayno xukuumadda maanta jirta, ku halayn mayno xisbiyadda Mucaaradka ah, ku halayn mayno Waddaad, ku halayn mayno Waranle iyo baayacmushtari toona, nin walba waa inuu dhiniciisa ka ilaaliyaa, intaa yar ee kuyuuga lagu jiro kii fowdo samaynaya aynu nidhaahno meesha fowdada ka daa”

Sheekhu waxa uu sheegay inuu ku qanacsan yahay doorashada isla-markaana ka mid ah yahay dadkii dhiiri-galiyey “Waxaanu nahay dadka doorashada ku qanacsan ee dhiiriyey, waayo si aan la isku dilin halkaa ku tartama oo kii soo baxa halloo barakeeyo oo isagana wakhtigiisa, wadadiisa iyo cadaaladiisa halagu ilaaliyo inta badal wanaagsan la helayo.

Islaamkuna waxa uu yaqaanaa waxa iska daa’ ama badalkiisa keen,  markaa maadaama oo aynaan bedal haynin waa inay dadku doorashada gallaan oo ay si cadaalad ah u gallaan”ayuu yidhi waxaanu intaasi raaciyey isaga oo ka hadlaya waxqabadka xukuumaddu sheegatay iyo duruufaha nololeed ee shacabka haysta “Dadkeenaa maanta ciidda cunaya kuwa Masuuliyadda inoo haya qaarkood waxa laga yaabaa inay la yaabaan marka la yidhaahdo 70% Hargeysa soo ootay maanta, mar maaha, laba maaha, saddex maaha, afar maaha oo shan maaha qof aan garanayo oo aan aabihii garanayo oo dadkii wax bartay ah oo inta uu kuu yimaado isaga oo Degree sita oo Hargeysa ku dhex nool oo ku odhanaya gurigaygii laguma Karin, dadka qaarkood oo masuuliyadi saaran tahayna markay Minbarada saaran yihiin waxay ka waramaan inaynu bada badh caanaynayn oo tog caano ah iyo tog malab ahi hareeraha inaga marayaan, boqolkiiba 70 iyo waxqabadka aynu samaynay ayaa laga waramaa, oo ay tahay in laga xishoodo, waxa la yidhi adhi shugux-shugux kama il-baxo” ayuu yidhi Sheekhu, waxanu intaa ku daray “Dhacdooyin ay haboon tahay inaynu dib u eegno oo ku xardhan taariikhda qiimaha badan ee Islaamka ayaa jira.

Rasuulku CSW Carrabkiisii iyo qawlkiisii iyo wixii uu sugay iyo kuwii uu barbaariyeyba ayaa ficlan laga tilmaamsan karaa haddii aynu dib ugu noqono taariikhda.” Ayuu yidhi Sheekhu, waxanu intaa ku daray “Axaadiista Koob-kooban ee macnahoodu ballaadhan yahay waxa kamid ah, ka ay  Caa’isha (RC) werinayso ee ay ku  tidhi ‘Rasuulku haddii uu camal qabto wuu sugaa oo dhidibada ayuu u aasaa’. Ayuu yidhi sheekhu. Waxanu intaa ku daray ‘ Qofku marka uu shaqo qabanayo waa inuu wanaajiyo, maantana hawshaasi waxa ay u taallaa Komishanka Doorashooyinka Qaranka oo   camalka ay umadda u hayaan u  kala cadaalad falaan.  

Ummaddaas baahan ee haraga yar ee nabada ah ku fadhida  Dhaarta ay dhaarteenna waxa uu Rasuulku CSW inoo tilmaamay  oo quraanka ku sugan maalinta uu qofku uu maalkiisa, caruurtiisa, xaaskiisa iyo hooyaddii ka baxsanayo (Qiyaamaha) , maalintaas ayaa dhaartiisa la weydiinayaa.” Ayuu sheekhu qudbadiisa ku yidhi.

 

Comments are closed