|

Sheekada Taleex Ma Tii Horaa Mise Wax Cusub Baa Jira? Cali Guray

Hargaysa 14.June 2014 (SDN/QJ)- Wasiirka Gaashaandhigu markii uu arinka Taleex ka hadlayay wuxu tixraacay hadal hore uga soo yeedhay Sarkaal sare oo Ciidanka Qaranka u hadlay. Sarkaalku waa sida uu hadalka uu u dhigaye tigitaanka Ciidanka Qaranka ee Taleex maaha wax ka baxsan hawlmaalmeedkiisa caadiga ah ee uu ku tegi karo meel kasta oo ka tirsan Somaliland. Hadalka taliyaha ee uu tasdiiqay Wasiirka Gaashandhiggu waxad moodaa in uu xaqiijinayo in hawlgalkan ciidanka aanay jirin ujeedooyin kale oo dhinaca siyaasadda iyo maamul fidinta ku lug lihi.

Lakiin masuliyiinta ka soo jeeda degaanka oo qaar ka mid ihi ay ka hadleen arinka Taleex iyo ciidamada galay dhamaantood waxay meel cad iska taageen arintan iyagoo ku tilmaamay in gebi ahaanba gacan ku haynta degmada Taleex ay Somaliland la wareegtay taas oo markaa meesha ka saaraysa in arinku yahay hawlmaalmeed ciidan oo caadi ah kana dhigaysa xaqiijin dan qaran oo wejiyo badan leh hadii ay tahay dhinacyada nabadgelyada, siyaasadda iyo maamul fidinta intaba.

Si kastaba xaalku ha ahaado eh hadii arinku u dhaco sida ay naawilayaan siyaasiyiinta ka soo jeeda gobolka Sool, gaar ahaan Degmada Taleex oo ay hirgasho taas waxa loo arki karaa inay tahay guul wax ku ool ah oo u soo hoyatay Somaliland xukuumadda na waxay u noqon karta waxqabad lagu majiirto, in kasta oo ilaa hadda aan dhinca xukuumadda laga hayn wax faahfaahin oo ku saabsan in hawlgalkan ciidan ay jiraan ujeedooyin wax ku ool ah oo ka dambeeyay iyo in kale. Hadii xaalku sidii uu sarkaalka sare ee u hadlay ciidanka Qaranka iyo weliba Wasiirka Gaashandhigu ay hadalka u dhigeen uun tahay wax cusub oo cidna lagu hambalyeeyaa ma soo kordhin ee xaalku waa sidii hore uun.

Hargaysa SDN/QJ

contact@qurbejoog.com

Comments are closed