|

SHEEKADA ‘QURBEJOOG’ – qiso qof, qoys iyo qaran(Qaybtii 11aad)

Fariin gaaban:- (Salaan iga gudooma akhristayaasha sheekadan Qurbejoog. Sidoo kale, raali-galin ku saabsan inuu taxanihii sheekadani laba maalmood joogsaday iga gudooma. Waxan is idhi akhristayaasha qaybo badan oo ka mid ahi doorashadii Somaliland bay si xoog leh mashquul ugu yihiin oo maba haleelayaan! Al-muhim, raali-galin qaata. Si gaar ah waxan raali galinta iyo salaantaba ugu dirayaa asxaabtii, akhristayaashii sheekadan ku taxnaa ee emails ka iyo telefoonadaba igula soo xidhiidhay. Si gaar ah waxan hadalka ugu wadaa bahdii website yada ee ila soo xidhiidhay. Sheekadii ooh hal qayb oo kale ay dhamaadkeedii ka dhimantahay waatan ee ku soo dhawaada.)

Qaybtii 11aad:

 

Xasuusin: Qaybtii 10aad waxay inoo joogtay Gudoomiyihii oo la kulmay haweenay golaha deegaanka ee xaafada uu London ka degenyahay laga soo doorto ka tirsan, aadna wuu ugu farxay. Website yo kuwa reerka ah baa warkii buunbuuniyay, isna wuxu u diyaar garoobayay inuu xagaas iyo wadankii u amba baxo, qaadhaan na waa loogu maqnaa. Intaasi xasuusin ku filan ee aan idiin kala baxo idinka iyo sheekada qaybteedan manta.

 

**** Safarkii wadanka ee Gudoomiye Aw Mirqaan waa soo dhawaatay, ninkii Sh Cawaale iyo odayaashii beeshuna hawshii muhiimka ahayd ee qaadhaanka ayay si xawli saraysa ku wadaan. Sheekha iyo odayaashii lala xulayba waxay ku xukumeen qof kasta, wiil iyo gabadh, yar iyo wayn, oo ka mid ah Beesha Reer-Qudhac ee UK inuu bixiyo qaadhaan kun Doolarka Maraykanka ah. Rag door ah, oo Liibaan Yuusuf ka mid ahaa, oo dhaqaale lagu tuhmaayay iyaga toban lab baa looga badiyay dadka kale, waxaana laga rabaa toban kun midkiiba. Mishiinka guubaabada ee ugu wayn, iyo dareenka ka dambeeya lacag bixintu waa in beesha sharafteeda la ilaaliyo, ninka beesha magaceeda u taagana aan maanta waxba laga hagranin. Liibaan waatii uu wajigu casaaday cadho awgeed markii warka Gudiga Qaadhaan ururintu uu soo gaadhay. Waakii wadaadkii yaraa ee Sh Cawaale ka helay masjidka, waxaanu ku boobay su’aalo aan tiroba lahayn ood moodayso inuu waraaq ka akhriyaayo.

 

“Maxaad ku keentay kun doolar qofkiiba ha siiyo Aw Mirqaan? Miyaanu Aw Mirqaan ahayn ninkii aan waligiiba shilin ku bixinin ololihii dhismayaasha iyo dayactirka dugsiyadii deegaamada beesha? Miyaanu adiga ahayn ninkii ku doodaayay, ee u ololeeyay, inaan dadka la waydiinin wax shan doolar ka badan sanadkiiba markii aan dhaqaalaha u raadinaynay dhismayaasha dugsiyada iyo taageerada agoomaha? Dhinaca kale, Aw Mirqaan lacagtan muxuu ku qabanayaa? Ma dooda ah magacii beesha ayuu u taaganyahay ee aan kor u qaadno ayaa dhab kaa ah mise wad kaftamaysaa? Sidee suurtagal u tahay inaad masaakiintan lacag intaas leeg ka ururisid si loogu qayilo? Waabu joojin waayay, ninkii Sh Cawaale na roob oo kale ayay ku noqdeen oo mid uu ka jawaaboba wuu garan waayay. Wuxu se si hoose u sii yidhi, “Akhwaan khilaafku ma wacna ee wixii dadku isla ogolyihiin ha dhaafin, taas baana Liibaan kaba sii cadhaysiisay.

 

Gudigii beeshu waatii ay xisaab aan yarayn, oo koleyba dadkii laga soo ururiyay iyo Aw Mirqaan laftiisaba ku badnayd farta ka saareen, ducona ugu dareen. Wadaadkii iyo odayaashiiba hadallo isku mid ah bay iska daba mareen, waxaana warkooda ugu muhiimsanaa inaanu waxan ay keeneen kolnaba wixii laga filaayay aanu ahayn, iyo iyagana inaanay hawli ku yarayn. Sidoo kale, waxay Gudoomiyaha Ilaahay uga baryeen inuu hawshan beesha ee culus ku guuleeyo. Waxay sheegeen inuu Sheekh Qudhacii reerkaba dhalay awliyo ahaa, iyo inay ololahan bilaabeen maalin Jimce ah, intaas oo la isku daray, oo loo geeyay riyadii Sh Cawaale ee cajiibka lahayd, ee uu manaamka ku arkay Gudoomiyaha oo taaj dahab ah gashan, ay muujinayso inuu guulaysanaayo. Gudoomiyihii oo wajigiisa farxadi ka muuqato, laakiin aan ducadii marnaba ‘aamiin’ odhanin baa xisaabtii gudoomay. Durbadiiba Xawaalada ayuu ku shubay nus lacagtii ka mid ah, isna diyaargaraw buu u dhaqaaqay.

 

Baryahan Marfashkii ‘Jaamacada’ iyo asxaabtii ba wuu ka tagay, waxaana laga helaa meelo kale. Makhaayadaha caanka ah ee Ingiriiska ee Costa Coffee la yidhaaho, ee ay leedahay shirkada Whitbread PLC oo aanu horey u tagi jirin buu hadda fadhiistaa, durbana suudhadhkii oo caynba cayn ah ayuu kala badalaa. Fiidkii wuxu tagaa baararka qaaliga ah ee lagu caweeyo iyo badhtamaha London oo aanu waligiisba foodda galinin. Hadii awal hore dukaamada yaryarka ah ee xaafada ee Off-licence ka la yidhaaho iyo Tesco Stores ka ay isaga iyo labadiisii saaxiib (Qaadiro iyo Been ma sheege) khamriga noocyadiisa jaban sida Vodka, Gin iyo mararka qarkood Whiskey ba ka miisan jireen oo aanay waliba ka haqab la’ayn, imika xaalku gabi ahaanba waa is bedelay. Hadda baararka London ugu caansan, uguna qaalisan baa, sidii geel dar loo horay, bahalka noocyadiisa qaaliga ah sida Champagne iyo Red Wine ilaa waa bariga laga durduurtaa. Xumadii kicinta reerka waa laga macaashay. Hadaan laga macaashaynin, miyay dad aad ahi, si aad ah, hadh iyo habeen heegan ugu ahaan lahaayeen?

 

Dhaax la yidhi, “Cagtii joogsan waydaa marbay, ceeb la kulantaa, carabkaan la laabini na, xumuu caasha galiyaa.” Habeenadii “Barwaaqo-heeska” ay u bixiyeen midkood, waatii muran xoogani dhex maray maamulihii Baarka iyo Aw Mirqaan. Muranku wuxu ku qotomay “Meesha waa la xidhayaa ee soo baxa.” Iyo, “Bixi mayno ee wax naga iibi.” Waakii Gudoomiyihii dagaal uba holladay ee isagoo mulkiilihii baarka ku sii maqiiqan kursiga ka dul dhacay. Habeenkaas khasaare aan yarayn baa gaadhay oo wajiga ayaa dilaacay, gacantana wuu ka jabay. Shil baa dhacay. Laba usbuucba waatii cisbitaalka wayn Gudoomiye Mirqaan lagu booqanaayay, laakiin cidina kama hadasho wax ku dhacay iyo cidda yeeshay toona. Qaadiro waakii dadka u sheegay inuu Gudoomiyuhu salaadii subax isagoo ku socda tuugi dishay, sidaas baanay doodaasi ku meel martay. Dad aan badnayn oo sababta dhabta ah ogaaday maba ka hadlaan, midhadh ku dhiradayna beesha oo dhan baa isu sheegtay oo waatii caydda diirka lagaga siibay, ilaa ay ka qoomameeyeen falkii ay ku kaceen.

 

Maantii ugu horaysay ee uu ladnaaday waakii Qaadiro Gudoomiyaha kula taliyay inuu dhakhso u baxo intaanay ceeb kale dhicin. Sidii buu aqbalay oo waatii ay sadexdooduba tigidhada goosteen ee horey ka baxeen. Waakuwii cabaar ku hakaday Dubai, qolyo London lagala soo hadlay oo waxgaradka iyo ganacsatada beesha ee Reer-Dubai isugu yeedhana waabay is waayeen. Sidee bay isu heli karaan ma iyakaaba donaayayba inay cid is helaan. Sawtii ay isla habeenkiiba Dubai ka gudbeen ee ay Shaariqa iyo Hotel Millennium isku xereeyeen. Afar usbuuc oo aan habeen iyo maalin la kala aqoonin, oo ay ‘daad-wararac’ u bixiyeen baa la galay. Fiidkii hadiiba la gaadhona, Cujmaan baa loo safraa oo khamrigu fasax ka yahay, gabdho Marooko ka yimaada iyo Itoobiyaan wixii la helona halkaas baa xidigaha cirka lala tiriyaa. Tigidhadii Wadankii loogu baxaayay maalin hore ayay dhaceen, laakiin cidina dan kama laha ee qaar kale ayaa hadba la goostaa oo hadana wakhtigoodu dhacaa! Markii la dhamaystay wax ‘nasasho’ lagu sheegay, waatii aakhirkii wadankii loo ambabaxay.

 

*****La soco qaybta ugu dambaysa – 12aad****

 

By Maxamed Haaruun – mbiixi@gmail.com

Comments are closed