SHEEKADA ‘QURBEJOOG’ – qiso qof, qoys iyo qaran(Qaybta lixaad)
Tibaax iyo tilmaan: “Sheekadani waxay kaalinta kowaad ka gashay tartankii Sheeko iyo Shaahid 2012, waxana halkan dib loogu dabacay oggolaansho rasmi ah oo waafaqsan sharciga xuquuqda faafinta iyo xeerka barnaamijka Sheeko iyo Shaahid, oggolaanshahaas oo laga helay maamulka barmaamijka. Xuquuqda hal-abuurku waxay u dhowran tahay qoraaga oo lagala xidhiidhi karo: mbiixi@googlemail.com.”
Qaybta lixaad:
….Markii ay talo ku qaloocatay waakii dhankaas iyo marfashkii dib ugu huleelay, waxaanu ugu tagay ninkii indho-buur iyo sadex kale oo badiyaa waaga ugu bariya, markaas buu dib ula camiray. Wuu cadhaysanyahay oo hadal kama soo baxaayo, qoladan kalena waxay ku celceliyeen kalmadii ay maalin kastaba odhan jireen ee ahayd “Haweenkii way kibreen markii Yurub la yimid.” Iyo “Kaligaa maaha ee waa lagula qabaa.” Iyagoo isaga ku hal qabsanaaya. Hadaladaas dhago uma lahayn, waxbana may ka bedelin ee wuxu ka fikirayaa gabadhaas uu qabo wixii uu ka yeeli lahaa. Taloow maxaad yeeshaa? – Ma mid kale ayaad guursataa? Ma baasaaboorka ayaad ka jeexjeexdaa? Ma dawlada ayaad u sheegtaa in magacay ku joogtaa uu qalad yahay? Ma caruurtaad ka qaadataa? Miyaad soo caydaa, mise waabad habaartaa? Mise… Mise…” aakhirkii wuxu goostay inaanu intaas midnaba samayn ee uu usbuuc ka maqnaado, kadibna, uu u tago oo maryihiisa uun ka soo qaato! Maalintii uu maryaha doontay ayaanay u cadaatay inuu sidii caadaduba ahayd, isagu qaldanaa, qaladna ku maqnaa. Inantii dhalashadeeda uu moogaa oo Bushra loo baxshayna markaas buu arkay. Si kastaba, inantii caruurta u waynayd ee Saamiya ayaa sinaba looga dhaadhicin kari waayay aabihiin wuu iska maqnaa, imikana waa iska yimid. Marar badan iyadoo ‘Stupid… crazy…’ hoos iyo korba u leh waatii laga maqlay. Marar uu xataa su’aalay cidda ay sheegayso ayaa jirtay, laakiin iyadoo sii jeedda ayay, “Not you… Never mind = adiga maaha iyo iska dhaaf.” Hadalka ugu gaabin jirtay!
Markas uun ma ahayn ee marar badan oo dambe waatii dhibaato aan yarayni ay isaga iyo Farduus ka dhex dhacday, badiyaana waxa sabab u ahaan jiray, una ah maamulka dhaqaalaha yare e qoyska iyo daryeelka caruurta. Wuxu doonayaa dhaqaalaha inuu gacanta ku qabto kuna qayilo, iyana taas ma ogola, sidoo kale, caruurta daryeelkooda, dugsi u kaxayntooda, ama sii duljoogooda hadii ay kaga tagto ayaa aad u dhibta. Farduus ma ogola inay lacagta adeega iyo kaadhka baanka toona u dhiibto, sababtuna waa duruustii ay ka baratay dhacdooyinkii hore. Marar badan waakii adeeg doonay, laakiin lacagtii adeega loo qoondeeyay ay marfashka iyo meelo ka shisheeya ku dambaysay. Marar aan tiro lahayn buu adeeg buuxa galabtii doonay, oo isagoo laba xabadood oo caano ah iyo bac roodhi ah wada uu 12 kii habeenimo, oo caruurtii gaajo ku seexatay soo hoyday. Wax badan baa dagaal fool-xumi arimahaas ka dhacay oo waakii xataa mar gidaarka madaxa ugu dhuftay ee intoo wajigu dilaacay uu xadhigaba ku galay. Laba sanno oo xadhig ah buu ka soo laacay, waxaana kiiska ku xoojiyay isagoo digniino hore qabay, iyo waliba, isagoo ogaa inay gabadhu dhiig-baxayso oo hadana aanu dhakhtar ugu yeedhin, cid kalena u sheegin.
Waatii uu xabsiga ka soo baxay, ee loo sheegay inaanu gurigii qoyskiisu daganaa agtiisa ka wareegin, iyo in sadex bilood la eegaayo hadba sida uu u dhaqmo. Sidoo kale, waxay ugu dadaaleen inay shaqo u raadiyaan si ay uga hor tagaan inuu dambi kale galo camal la’aanta awgeed. Qoladii dusha kala socotay (Probation office) ee uu halkii usbuucba mar iska xaadirin jiray waakuwii u sheegay in xafiiska dawlada hoose looga helay shaqo, shaqaduna ay tahay nadiifiye. Fatxi wuu ku farxay shaqadaas, horey baanu ka aqbalay. Durba shaqadii buu bilaabay oo in badan baa la arki jiray isagoo ul dheer oo kuwa wax lagu nadiifiyo ah la wareegaaya. Dhawr usbuuc hadii uu shaqadii waday, waakii ku laabtay marfashkii ‘Jaamacada’ uu ula baxay iyo asxaabtii qadiimka ahayd. Sidii caadiga ahayd, waakii dagaalkii daaficista reerka halkiisii ka galay. Wax badan buu saq badhka marfashka ku gaadhay, intii hadhayna ula kacay gurigii saaxiibkiis Been ma sheege. Ayaamo dhawr ah waakii sababo kala duwan soo sheegtay oo xanuun ku jiro inaanu shaqadii iman Karin. Ayaamo kalena isagoo sidii xalay u soo jeedda ayuu ku jarmaaday shaqadii uu aadka u necbaa, laakiin uu lacagteeda aadka u jeclaa. Wax uu mudo sidaas rafaadka ah ku wadoba, waakii maantii dambe oo waaga ay ugu bariyeen soo kici kari waayay ee ma hadhadda reebay. Wuxu la yimid marmarsiinyo aan hore loo maqlin, lagana filaynin. Wuxu ahaa marmarsiinyo in badan oo dambe laga sheekaysan jiray. Intuu barqadii cod wayn oo hurdo ka muuqato ku soo hadlay buu soo sheegay inaanu shaqada imanaynin, sababtuna tahay xaaskiisii oo geeriyootay! Wuu ogaa inaan sabab kale shaqaynin oo uu sabibihii oo dhan wada dhameeyay, sidaas baanay la noqotay. Ingiriiska ayaa ku maahmaaha, “Qofka beenta sheegayaa waa inuu lahaado maskax balaadhan oo uu ku xasuusto been kasta oo uu sheegay, iyo qof kasta oo uu u sheegayba,” dabcan si aanay wararku isaga hor imanin, laakiin Aw Mirqaan xasuustaas ma laha.
Todoba ayaamood oo fasax geeriyeed ah kadib buu shaqadii ku soo laabtay, shaqaalihii uu meesha kula kulmayna si wadajir ah bay ugu tacsiyeeyeen iyagoo leh, “Waan ka xunnahay maqalka geeridda xaaskaaga…” Waxay se ceeb iyo ma-hadhoba dhacday markii uu Fatxi si dagdag ah ugu jawaabay, “Dhibaato ma jirto, mid kaleba waan heli karaa – no problem, I can get another one!” Arintaasi fajiciso ayay ku noqotay maamulkii iyo shaqaalihii dawlada hoose ee degmadiisa Totanham oo dhan, muddo aan badnayn kadibna, waxa cadaatay inaan warkiisa waxba ka jirin kadib markii uu isagu is buriyay. Mar kale ayuu shaqadiisii lumiyay, waana shaqadii labaad, uguna dambaysay shaqo uu Ingiriiska ka qabtoba. Ninkii Aw Mirqaan ahaa talo ayaa ku cadaatay, dan sidaas u sii badan se kama laha waxaas. Waatii Abtigiis Xaamud oo ay marar badan kala dhinteen, laakiin hadana ilayn ‘Sankaaga oo qudhmay lama gooyo’ uun wax ku waday uu dadaal dhexdhexaadin ah ka galay isaga iyo xaaskiisa. Dhab ahaan isagu jihada uu u kacaayo danba kama lahayn ee Farduus oo caruurtiina ku waynaatay, tacabkii nolosha England na ku batay ayuunbaa la maslaxaayay. Waa meel Ilaahay wax ka wade, waatii aqbashay bal inuu si qarsoodi ah, oo aan dawlada loo sheegin ku yimaado inta ay hubinayso inay wax iska bedeleen iyo in kale.
Durba waakii bilaabay inuu sidii dhurwaaga soo dhaco waaga barigiisa. Sanad dhawdhaw, oo laakiin dhib iyo muran badan buu qoyskiisii ka mid ahaa, laba wiil oo mataano ahina waa u dhasheen. Waakii guriga Been ma sheege, kiisa iyo marfashka ka dhexeeyay, Farduusna la hadalkiisa iyo ka hadalkiisa toona ma danayso ee faraha ayay ka qaaday. Waa la is arkaa uun ee cidiba wax isuma dirato, mana is waydiiso. Wuxu xaal sidaas ahaadoba, waatii inantiisii caruurta ugu roonayd, aadna u caqli badnayd ay ku kacday ee gurigii ka eriday. Saamiya waxay aabaheed Fatxi u sheegtay inay booliiska ugu yeedhi doonto isagoo hurda hadii aanu dhakhso xamaantiisa uga urursan aqalka, hadii uu maslaxaad u dhaqaaqayna, telefoon aan kaba fogayn bay ku booday oo 999 kii wacday! Waakii isagoo aan is ogayn, oo xataa aan haleelin maryihiisa gurigii ka cararay. Hooyadeed oo iskuulka caruurta ku maqnayd oo balan waalidiinta gaar u ah la lahaydna waatii galabtii timid. Waatii gabadheedii yarayd uga warantay wixii dhacay, waxaanay af Ingiriis iyo Soomaali isku qasan ku tidhi, “Hooyo, useless kii guriga waan ka eryay…”
Hooyadeed waxay su’aashay sababtu waxay tahay, waxaanay ku tidhi dee waa “Useless = bilaa faaiido.”, miyaanu ahayn? Intaas waxay ku dartay, “Waligiis kulanka waalidiinta ee iskuulka nooma raacin, waligiis waxbarasho nagama caawin, waligiis ciyaaraha caruurta ee debedda nooma kaxayn, waligiis wax nooma iibin, intaas oo dhan kadibna, adiga waaka sida adoomaha kuula dhaqma, sida runtu tahayna, anigu maba fahmi karo sababta ama sababaha aad guriga ugu ogolaatay!” Intaas waxay ku dartay iyadoo doodeedii sii wadata, “Hooyo, adigu ma doqon baad tahay, miyaanay sidaas aan sheegay arimuhu kuugu muuqan? Intaas aan sheegay, iyo in ka badan ba miyaanad ogayn? We have to act before it’s too late = Waa inaan wuxuun yeelno intay goori goor tahay. Maxaynu ka dheefaynaa joogistiisa?, ,miyanaad ogayn inay suurtagal tahay, inaanu aabo la’aan noolaan karno, adiguna aad nin la’aan noolaan kartid?” Doodaas qayaxan, ee qaawan, ee Soomaalinimada ka aradan bay gadhka u galisay hooyadeed. Sidda runtu tahayna, Farduus marna way naxday, marna murugootay. Wax jawaab ah ama jawaabo ah oo yarta ay u celiso ayay garan wayday, waxaana ka soo baxay hal erey oo ah, “Hooyo, raali ahaw mar dambe inagu soo noqon maayee!”
Sanawaad door ah waatii Aw Mirqaan meel uu jiroba warkiisa la waayay. Malaha inuu muujiyo inuu kaligiis istaagi karo ayuu isku dayaayay. Waakii Faarax-bustaale oo ahaa ninkii marfashka ka furtay magaalada Amsterdam ee Holland u tagay. Saaxiibbo cusub iyo deegaan cusub buu helay, laakiin wax noloshiisa baab cusub u fura ma helin. Waakii jaadka u tacabirin jiray Sweden, Denmark, Germany iyo Norwayba ee waxoogayga faaiidada ah ka samayn jiray. Wadanka Swedon waatii isagoo jaadka xambaarsan lagu qabtay istaanka tareemada ee Stolkholm, sanad iyo badhna xabiska la dhigay. Markii uu xabsiga dhamaystayba, waatii loo mustaafuriyay dhanka Ingiriiska oo uu mudoba soo moogaa. Durbadiiba wuxu iska xaadiriyay marfashkii ‘Jaamacada’ ee xaruntiisa ahaa oo muddoba ay is moogaayeen. Judhiiba waxa Fatxi loo sheegay in gabadhiisii oo haatan 18 sanno jir ah la soo doonaayo oo wiil jaarka ah ay arini u dhantahay. Markii lagu yidhi “Wiil dariska ah…” ba dareen baa galay. Qoyskiisa waxa la daris ahaa, walibba muddo aad u dheer, ninkii Sh Saleebaan Yuusuf oo isaga iyo qoyskiisuba ay reerkiisa caawin jireen. Wiilka Axmed ee caruurta ilma Saleebaan ugu wayn ayaa Inanta Saamiya ee Fatxi caruurtiisa ugu roon ay is fahmeen iskuna fiicanyihiin.
Axmed yare waa 21 sano jir, qaab-dhis jidh ahaaneed iyo qurux maskaxeedna Ilaahay waa ugu roonaaday. Isagoo intan aad uga yar buu mudakar noqday, dhalinta qayrkiisa ah ee Soomaaliyeed iyo kuwa kaleba, gees kasta oo ay ku tahayba, geel-daaq buu ka horeeyaa. Qoyskooda iyo qaraabada kaleba Axmed-waayeel bay ugu yeedhaan. Saamiya oo sadex sanno ka yar haatan laba sanno waxyar baa dheer intii ay sheekadoodu socotay. sanawaad badan ka hor intii aan dareen kalgacal meesha sooba galin ee isba uu intan aadka uga yaraa, Axmed wuxu aad uga caawin jiray Saamiya iyo labada ka yaryarba waxbarashada iskuulka oo uu aad ugu fiicnaa. Aabihiis Sh Saleebaan na waakii ku dhaar maray inuu isagu Farduus iyo caruurteeda adeega dukaanka u soo samayn doono mar kasta oo qoyskiisa uu u adeegaayoba, sidaas baanu ku soo waday sanado badan. Xaaska Saleebaan na waxay ka caawin jirtay, waliba muddo dheer, inay Farduus caruurta yaryar ka sii reebto inta ay kuwa roon-roon iskuulka ka soo kaxaysanayso. Farduus waxay hoos iyo korba isu waydiisaa nolosheedu siday ahaan lahayd hadaanay qoyskan daris la ahayn, laakiin jawaab uma hesho. Xidhiidhka Saamiya iyo Axmed-waayeel wuxu xidid dheer ku leeyahay deegaankaas rayska iyo caro-sanka ba ah ee Ilaahay isku toosiyay.
Ninkii Fatxi ahaa maantii warka loo sheegay warwar aan yarayn baa soo weeraray, isna tamar maskaxeed uu iskaga daafaco ma helin. Qoladii marfashka dhawr goor buu su’aalay inay xog ka badan “Wiil dariska ah” siiyaan, muu se ka helin. Saaxiibkiis Been ma sheege oo qudhiisu xabsiga dhawaan uun ka soo baxay waakii habeenkii guuraha ugu tagay. Meesha muu ka filaynin ee waatii la is nabdaadiyay ee muddo la qosqoslay. Fatxi irbad baa ku taagan oo qosolkiisu ma sii ridna, saaxiibkiisna wu dareemay. Intaanu su’aal ku bilaabin ayuu Fatxi kaga horeeyay, waxaanu ka warsaday inuu wax kala socdo inantiisa la sheegay in la soo doonaayo iyo in kale. Jawaabtii waxay noqotay “Haa”, waxaanu ku yidhi miyaanad marfashkii soo marin waaba halkaas meesha sheekadan lagu rogrogaa goor iyo ayaane. Waan soo maray, wax ka badan inantaadii baa la soo donayaana may ii sheegin. Buu ku jawaabay Fatxi. Anigaa kuu waramaaya ee ma garanaysaa ninkii Sheekha sheegan jiray, ee dariskaaga ahaa, ee aad odhan jirtay ninka gabadha igu dirra weeye…” Hadii uu halkaas maraayay buu joojiyay, waxaanu ku yidhi, “Waar ma Saleebaankii Gabooye ayaad sheegaysaa? Ku ye, “Haa, oo hadaa ma cid kale.” Aw Mirqaan warkaasi waa ka dagi waayay, waxaanu weerar afka ah ku qaaday saaxiibkiis, “Waar waligaba kalmad xalaal ah afkaaga lagama maqal ee ma beentaadii baa waxani?” Ayuu si kulul u yidhi Aw Mirqaan. Saaxiibkiis shidoba isma galinin ee, “Tanni waa dhab, hadaad rumaysan waydonna, soo waydii wixii magaalada ka jooga qoladeenii Reer-qudhac.” Buu ku yidhi Been-ma-sheege.
*****La Soco qaybta todobaad****
By M. Haaruun – mbiixi@gmail.com