SHEEKADA ‘QURBEJOOG’ – qiso qof, qoys iyo qaran Qeybtii 10aad
Ku soo dhawaada qisada qaybteedii 10aad:
…..Gudigii waa la dhisay, waxaana madax looga dhigay Sheekh Cawaale Aw Samatar oo ahaa nin dhalinyaro ah oo wadaad ah. Waakii khudbad loo qushuucay goobta ka jeedshay ee ku dheeraaday inay diintu qabto is kaashiga, ayna tahay in la taageero qofkii ehel ah ee wanaag doonaaya. Wuxu sheegay in qabiilku diinta ku jiro, laakiin ay qabyaaladu tahay midda xun ee la reebay. Wuxu intaas ku daray, inaanay sax ahayn in la dhaliilo qofka madaxnimo isu taaga, sharcigana aanay meel ku lahayn, laakiin taas badalkeeda, ay tahay in lala taliyo oo loo duceeyo. Aayado tiro badan iyo axaadiisba wuu cuskiyay hadalkiisa, dadkiina aad buu uga qiiraysiiyay. Dadkuba hadalkiisa waa u wada guuxay, waxa se si gaar ah ula sii dhacay Aw Mirqaan, waxaanu sheegay in Sheekh Cawaale uu yahay ragga loo baahanyahay, isaga ayaana ku taliyay in gudiga beesha ee Xisbiga taageeraysa madax looga dhigo. Intii aan shirka la soo xidhin, ninkii Been ma sheege oo shirka gudoominaayay ayaa cod-baahiyaha ku soo xidhay telefoon debedda ah o ay ku jireen shan ka mid ah hogaamiye-dhaqameedkii beesha Reer-Qudhac. Labadii Suldaan iyo sadexdii Caaqil ee telefoonka ku jirayba waxay iska daba mareen inay shirka la dhacsanyihiin, talaabada ay dhalinta siyaasada ku jirtaa, ee Fatxi Xaaji-Yaasiin ugu horeeyaa ay keeneen na tahay middii abidkeedba reerku u dhutinaayay, ayna tahay wax lala habsaamay.
Waxay odayaashii intaas ku dareen, in raga talada keenay, iyo inta ku raacday ee shirka fadhidaaba ay mahadsanyihiin, kalgacayl wayn iyo ixtiraamna beesha dhexdeeda looga hayo, loona ducaynaayo. Suldaan Ma Dharge oo hadalka soo xidhay baa kalmad culus, oo aad loogu guuxay shirka u sheegay, waxaanu yidhi, “Hadal nin badiyayna ma wada odhan, nin yareeyayna kama wada tagin, wixii la odhan lahaana raga iga horeeyay baa yidhi, waxan se anigu idin leeyahay hal erey oo ah, ‘ninkii reerkeena maanta wax ka hagradoow, qoodhaa iyo xeredaaba jabtay.” Ninkii Fatxi ahaa (Aw Mirqaan) wuxu dareemay inuu intii hore ka yar dheeraaday, farxad iyo raynraynina waa ka muuqataa. Wuxu si xoog leh isugu canaantay sababta uu horeba talaabadan ugu qaadi waayay. Waakii galabtii soo galay marfashkii, sheekadii maalintaas, iyo maalmo kale oo ka dambeeyayna waxay ahayd isla arintii shirka uun. Durba Qaadiro iyo asxaabtii kale waxay Gudoomiyaha u sheegeen in warkii shirku uu arlada oo dhan wada gaadhay, shayga loogu hadalhaynta badanyahay na noqday. Waxay u sheegeen in mareegaha (Websites) ka oo dhan, oo ay koow ka yihiin www.reerqudhac.com , qudhac.net, beeshaqudhac.org iyo allqudhac.com ay warkii iyo sawiradiiba soo daabaceen. Waxay sheegeen inaanay mareegihii Reer-qansax iyo Reer-qodax midkoodna haba yaraatee warkaas wayn soo qaadanin!
Yuusuf-ilkoole oo koonaha kale fadhiyay, warkana maqlaayay ayaa yidhi, “Oo yaaba uga fadhiyay?” Dr Jaamac oo ah nin oday ah, badiyaa na aan hadlin ayaa yidhi, mareegaha kale intaydaan eedaynin, shirka miyaa ku marti qaadeen? Intaanu hadalkuba ka soo dhamaanin ayuu Yuusuf-ilkoole ku yidhi, “Waar Digtoorna ma tihid ee aamuskaa kuu wacan ee afkaaga hayso. Maxaa laga marti qaadayaa waxan uu sheegaayo, miyaaba loo baahanyahay? Kaas oo kale oo Digtoor sheeganaaya ayaa reerku ka tamarin la’yahay!” Saf dhan oo ka soo hor jeeday ayaa ninkii Yuusuf salaan ula soo kacay iyagoo ku bogaadinaaya mawqifkiisa iyo sida uu caqliyadii Digtoorka dhulka ugu dhuftay. Digtoorku ma fahmo sida aragtida beelnimadu u shaqayso, meeshana kama tago. Iyaga ka mid maaha, hadana kama dhex baxo. Kaligis maaha ee Digtooro iyo wadado badan oo mawjadu sidato, laakiin hadana dhanka ay u socoto aan la dhacsanayn baa jira. Hadii si kale loo sheegona, waa uun ‘meesha kama tagayaal, waxna kama tarayaal.”
**** Ninkii Fatxi-mirqaan ahaa iyo saaxiibadiis waatii ay qorsheeyeen inuu wadankii tago oo Xisbiga si rasmi ah u soo furo, waxay se kula taliyeen intaanu dhoofin inuu dawlada Ingiriiska xidhiidho ka sii sameeyo oo kulamo la qaato. Aad buu arintaas ugu guuxay, waxaanu ninkii Qaadiro ahaa ee arinta soo jeediyay u sheegay inuu wasiir waafi ah ka dhigi doono. Qaadiro wuxu yaqaanay gabadha xaafada laga doorto ee golaha deegaanka ku jirta oo fadhiisata meel aan gurigiisa kaba fogayn. Maalintiiba waakii balan ka soo sameeyay Councillor Jacki Normand, iyagoo sadex ah baanay isu raaceen. Ninkii Fatxi ahaa oo Suudh nooca Slim Fit ka ah ee feedhaha u cidhiidhiga ah xidhan, calooshiina banaanka marayso, koodhka iyo surwaalkuna kala nooc yihiin, jaadkiina afka ku haya oo dibnihiisu cagaaranyihiin ayaa xafiiskii soo galay. Jaadkii iyo jariidadii The Sun ee uu gacanta ku watay buu miiskii saaray, waxaana hadalkii uga horeeyay Qaadiro oo Councilor Normand u sheegay inay iyagu yahiin dadka soo doorta, galabtana ay soo saleemeen. Waxay u sheegtay inay salaantaas ku faraxsantahay, aadna ay u mahadsanyihiin. Waxay intaas raacisay inay dad badani sugayaan, ayna jeclaan lahayd inay u sheegaan wixii salaanta u weheliya.
Qaadiro oo xaga luuqadda ingiriiska loogu qaatay marka saaxiibadiis loo eego ayaa hadalkii mar kale ku noqday, waxaanu yidhi, “Ninkani waa Gudoomiyaha Xisbi siyaasadeed oo Afsoomaali lagu yidhaaho ‘Halkanay ka dhawdahay’, waxaanu ka jiraa wadankii, dhawaana wuu tagayaa. Waxan doonaynaa inaad dawlada xidhiidh nooga samayso oo arintaas naga caawiso ilayn waanu ku dooranay. Councilor Normand oo yaaban ayaa ku tidhi, “Waan ka xumahay, waxyaabahaasi shaqadayda maaha. Anigu golaha dawladda hoose ee deegaanka xaafadan maamula ayaan ahay, waxanan dadka xaafadan kala shaqeeyaa nadaafada xaafada, nabadgalyada, waxbarashada caruurta, caafimaadka iyo wixii dhibaatooyin ah ee guryaha ay dadku ku noolyihiin ka haysta. Waxan se idin waydiiyay, Xisbiga mabaadiidiisa iyo qorshayaashiisu maxay yihiin hadaad ii soo koobtaan?“Xisbiga mabda’iisu waa inuu jagada ‘Madaxwaynaha’ qabto, rajo xoogan na waanu ka qabnaa kolba hadii Gudoonshaha Xisbigu ka soo jeedo beesha wadanka ugu balaadhan. Qaadiro ayaa si dagdag ah ereyadaas ugu tiraabay.
Councilor Normand oo hadba saacad miiskeeda saarnayd eegaysa, iyagana si dadban ugu tilmamaysa, ayaa tidhi, “Mabaadiida iyo qorshayaasha aan sheegayaa maaha gaadhista ‘madaxwaynenimada’ ee waa waxa Xisbigu mabda ahaan dhinaca fikirka u taaganyahay iyo talagalkiisa waxqabad, wakhtigii ayaana iga dhacay ee manta halkaa ha inoo joogto.” Markay halkaas maraysay, Gudoomiye Aw Mirqaan baa hadalkii soo galay, waxaanu ku yidhi Qaadiro, “Gabadha u sheeg inaynu dhawaan waxyaabahaas ay ka hadlayso oo dhan diyaarin doono. Waxad sidoo kale u sheegtaa, inay ogaato, dawlada Ingiriisna ogaysiiso, inaanay sal iyo raad toonna lahayn, wararka qaladka ah ee ay had iyo jeer beeshiisa ka soo gudbiyaan siyaasiyiinta Beesha Reer-Qansax oo ay abidkoodba col ahaayeen.” Sidii buu Qaadiro u sheegay, waxaanu ugu daray codsi ah inay taswiir la gasho, waanay ka ogolaatay. Waxay se Councillor Normand mar kale xasuusisay inaanay shaqadeeda ahayn waxyaabaha uu Gudoonshuhu ka codsaday. “Ok” iyo “Ok”, baa la is yidhi, Sidii baa Sawiradiina lagu galay.
Maalmahu kala tilmaamane, Gudoonshe Aw Mirqaan waxay maalintaasi u ahayd, siday isaga ugu muuqatay, guul wayn iyo maalin taariikhi ah. Maxay u ahaan wayday sheekooyinkiisa oo dhan ayaabu sabab iyo sabab la’aanba ugu soo daraa la kulankii Councillor Jacki Normand! Waxa intaas dheer oo sheekada kulankaas aad u sii wadwaday mareegihii (Websites) kii beesha, waxaanay qisadaas cinwaan uga dhigeen: “War dagdag ah – Gudoomiyaha Xisbiga ‘Halkanay ka dhawdahay’ oo kulan muhiim ah la yeeshay masuuliyiin sare oo ka tirsan Dawlada Ingiriiska!”, sawiradii na way ku lifaaqeen. Arintaasi hambalyo badan iyo boogaadinba Aw Mirqaan way u keentay, waxaanu ku doodaa inuu masuuliyiin badan oo kalena la kulmay, kuwo kale oo isla dawlada Ingiriiska ka tirsanina ay isaga raadinayan.
*******La soco qaybta 11aad****.
By M. Haaruun – mbiixi@gmail.com