|

Shariif Xasan Sheekh Oo Labada Dhinac Ee Dagaalamaya Iyo Dawladdaba Baaqyo Kala Duwan u Diray

 

Muqdisho:23-Dec-2013(SDN)-Guddoomiyihii hore ee Baarlamaanka Somalia Shariif Xasan Sheikh Aadan, ayaa ka hadlay dagaalada ka soconaya gobolka Shabeelaha Hoose isagoo ku baaqay in dagaalkaasi la joojiyo.

 

shariif xaShariif xasan oo in muddo ah aan wax xil ah qabanin balse haatan u muuqda nin hunguri kaga jiro Maamulka loo dhisayo Gobolada uu ka soo jeedo ee Bay iyo Bakool, ayaa sheegay in Deegaankiisa ay taallo Gogol ay u fidiyeen labada Dhinac ee dagaalka isku haya, isagoo  baaq ugu diray inay colaadda dhaafaan, nabaddana qaataan oo ka shaqeeyaan.

 

Shariifka ayaa sidoo kale dawladda Federalka ah ugu baaqay inay wax ka qabato dagaaladan shacabku  ku dhimanayo ee meelo dalka ka mid ah ka socda, waxana uu ku dhiirrigeliyey dawladda in madaama ay ku meel-gaadhnimadii ka baxday in muujiso awood iyo kariti ay dalka ku hantiyeyso.

 

Shariif Xasan Sheikh Aadan, ayaa ugu baaqay beelaha Biimaal iyo habargedir inay dagaalada ay joojiyaan oo ay ka shaqeeyaan nabad galyada gobolka Shabeelaha Hoose, maadaama uu gobolka ku jiro gobolada la doonayo in maamulka loo sameeyo.

Dagaalada labada dhinac ku dhex marayey deegaanno ku yaalla Gobolka Shabeelada Hoose ayaa la sheegayaa inuu haatan waxoogaa taagan yahay, iyadoo waan waan halkaas laga wadayna ay haatan u muuqato midh midho dhalaysa.

 

 

S.D.N

Contact@somalidiasporanews.com

 

Comments are closed