Shariif Xasan Oo Lagu Eedeeyey Inuu Diyaar Hub Ka Buuxo Ka Soo Dejiyey Baydhabo
Baydhabo:24-March-2014 (SDN)-Sida uu Xildhibaan Sheekh Aadan Maxamed Nuur (Madoobe) oo horre u soo noqday guddoomiyaha baarlamaanka Soomaaliya uu Warbaahinta u sheegay Shariif Xasan Sheekh ayaa Magaalada Baydhabo Geeyey Diyaarad Hub ah oo ka Soo Duushay Magaalada Muqdisho.
Isagoo u warramayay mid ka mid ah Idaacaddaha maxaliga ee ku yaalla Muqdisho, ayuu sheegay in hubkaas Shariifka looga rararay garoonka diyaaradaha Muqdisho isla markaana uu doonayo in uu kula dagaallamo siyaasiyiinta ka soo horjeeda maamulka Saddexda gobal ee la rabo in lagu dhiso Beydhabo oo ah midka dadka intiisa badani raacsan yihiin.
“Waxaan rabaa in aan xaqiijiyo Shariif Xasan waxaa shaley uu ka soo qaatay Muqdisho diyaarad hub aan sharciyeysneyn sidda oo la rabo in lagu gumaado shacabka Beydhabo, arrintaas dowladda waa ay ka war qabtaa waayo hub aan sharciyeysneyn in laga raro garoonka diyaaradaha waa nasiib daro” ayuu yidhi Sheekh Aadan Madoobe.
Wuxuu sheegay in hubkaas ay isugu jiraan qoryaha fudud ee AK47 iyo Qoriga Beekaa em, “Dowladda ma mooga gubka laga raray garoonka diyaaradaha Muqdisho, waayo garoonka aad ayaa looga maamulaa gudihiisa oo hal gumac ah xittaa lagama soo qaadi karo” ayuu yidhi.
Sheekh Aadan Madoobe ayaa ku hanjabay in mas’uuliyiinta maamula garoonka diyaaradaha Muqdisho in lagula xisaabtami doono sababta keentay in ay u oggolaadaan hub aan sharciyeysnayn in laga raro garoonka.
“Anniga waxaan ka tirsanahay baarlamaanka Soomaaliya gaar ahaan guddiga ammaanka waan is weydiin doonaa sababta keentay in hub aan sharciyeesneen uu Shariif Xasan ka rarto garoonka diyaaradaha Muqdisho” ayuu yidhi.
Waxaa la weydiiyay Sheekh Aadan Madoobe sababta loogu diiddan yahay in Shariif Xasan uu u tago Beydhabo, wuxuu tilmaamay in Shariif Xasan aaney loo diddaneen in uu yimaado Beydhabo waayo waa xilidhibaan deeganka u dhashay, balse uu Wato Mabda uu uga Dan leeyahay inuu SHacabka halkaas Deggen ku kala qaybiyo.
Shariif xasan oo maalintii shalay Baydhabo gaadhay ayaa shacabka halkaas deggeni ay si weyn ugu mudaharaadeen, iyadoo u markii dambe dhici gaadhay khasaare Nafeed.
S.D.N
Contact@somalidiasporanews.com