Shariif Sheekh Axmeed oo Garoowe gaaray
Garoowe March 22, 2024 (QJ) -Magaalada Garoowe ee xarunta Gobolka Nugaal waxaa lagu soo dhaweeyay Madaxweynihii hore ee Soomaaliya Sheekh Shariif Sheekh Axmed iyo wafdigii uu hoggaaminayay oo maanta gelinkii hore gaaray.
Sheekh Shariif oo ay wehliyaan Xildhibaano ka tirsan labada gole ee dowladda, ayaa waxaa garoonka diyaaradaha ee Garoowe si diiran ugu soo dhaweeyay Madaxweynaha Dowladda Puntland, Siciid Cabdullaahi Deni, Wasiiro, Xildhibaano, iyo dadweyne kale oo badan.
Madaxweynihii hore ee Soomaaliya Sheekh Shariif Sheekh Axmed ayaa lagu wadaa in uu kulamo la qaato Madaxweyne Deni oo uu kala hadli doono xaaladda siyaasadeed ee dalka iyo wax ka bedelka dastuurka, arrimaha ay labada mas’uul si weyn u hadal hayaan.
Shalay waxaa sidoo kale Garoowe gaaray Madaxweynihii hore ee Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo oo si weyn loogu soo dhaweeyay. Labada madaxweyne ee hore ayaa siyaasad ahaan ka soo horjeeda maamulka madaxweyne Xasan Sheekh.
Madaxweynayaashii hore iyo Madaxweynaha Maamulka Puntland, Siciid Cabdullaahi Deni, ayaa ka walaacsan wax ka bedelka lagu sameeyay Dastuurka Somaliya. Waxaana la filayaa inay wada-hadallo yeeshaan oo ay go’aamo wada jir ah qaataan.