|

SHAQO LA,AANTA DALKA KA JIRTAA MAAHA MID AY DAWLADU DABOOLI KARTO WAANA XAALADAHA UGU ADAG EE DALKA JIRA

Marka hore ILAAHAY BAA MAHAD LEH isagoo inoo suuro galiyay in aynu soo gudbino wixii aragtideena ah intaa ka dib waxaan salaamayaa dhamaan umada reer Somaliland meelkasta oo ay joogaan iyo bahda saxaafada ee ku hawlan  siday cidkasta oo somaliland ah  u soo gaadhsiin lahaayeen dhacdooyinkii u dambeeyay ee dalka ka socday saacad saacad, iyo sikin sikinba . iyagoon ahayn dad faaido doona laakin u shaqayeeya si volunteer ah ama bilaasha .

Somaliland waxa ka jira shaqo la,aan baahsan taas oo maanta noqotay xaalada ugu adag ee saamaynta inagu wada leh, taas oo cidkasta iyo ardaykasta oo waxbarasho soo dhamaystay ku noqotay dhibaatooyinka ugu waaweyn ee haysta , si kastaba oo ay tahay dalkasta waxa gacanta ku haya waa dawlada kolkaas maaamusha iyadaana ka masuula dawladkasta oo caalamka ka jirta inay xaliso shaqo la,aanta dalkeeda , waxaa hadaba somaliland jira fursado badan oo haddii laga faaideysto lagu xalin lahaa shaqo la,aanta dalka  ka taagan , fursadahaasna waxa dayacay waa maalqabeenada u dhashay somaliland kuwaas oo aan ka faaideysan fursadaha faraha badan ee dalka ka buuxa,  fursadahaasna waxa ka mida  warshadaynta  iyo beerashada kuwaas oo haddii laga faaideysto aanay jirteen shaqo la,aan baahsan taas  dadkeenii  iyo ardaydeenii iyo aqoonyahankeeniiba ku noqotay xaaladaha ugu adag ee ay la kulmaan ,sida aynu ka warqabno waxa wasaarada arimaha guduhu ay soo xayaysiisay boosas dhan 45 boos halkaas oo ay codsadeen in ku dhaw 5000 oo arday, taas oo dawladii iyo dadkiiba ka yaabisay shaqo la,aanta baahsan ee dalka ka jirta soo shaac saartay.
Hadaba waa aynu wada ognahay in shaqo la,aan baahsan ay dalka ka jirto laakin yaa ka masuula ?  sida ay xaqiiqdu tahay waxa ka masuula waa marka koowaade waa dawlada, waxa kale oo iyana ka masuula ganacsatada dalka kuwaas oo dayacay fursado badan oo haddii laga faaideysto  laga heli lahaa shaqooyin faro badan, waxa kale oo ka masuula waalidka oo aan ubadkooda ku dhiiri galin inay noqdaan kuwo markasta iskood u shaqaysta oo ganacsiyo bilaaba laakin waxa ay waalidku   intooda badani ubadkooda ku dhiiri galiyaan inay u shaqeeyaan haayadaha iyo dawlada iyo meelaha gaarka  loo leeyahay halka qaarna ku dhiiri galiyaan inay dhoofaan ama tahriibaan.
Hadaan u soo noqdo xaga dawlada waxa iyana jira fursado badan oo ay dayaceen waxana ka mida  inay dawlada yeelato hoteelo kala duwan oo ku yaala meelkasta oo dalka ka mida , inay yeelato  meelaha dayactirka gaadiidka, iyo inay yeelato shirkado gaara oo waxkasta oo loo baahan yahay qabta.
Kolay haddii  aad u fiirsato waxa jira fursado qaaliya oo ay dawlada qaban karto kuwaas oo nolosha dadka reer somaliland ka dhigaya mid aad u wanaagsan tusaale ahaan haddii dawlada yeelato bakhaaro waaweyn oo soo dajiya  alaabta noocyadeeda kala duwan sida bariiska, sonkorta, I.W.M waxa dhici lahayd inay halkaas  ka soo bixi lahayd fursado shaqo oo badan, dadkuna heli lahaayeen alaab aad u wanaagsan oo jaban, halka maanta ganacsatadu u heshiiyeen dadkii  ay wax ka iibin jireen , markaasta alaabtii ka dhigay mid qaaliya.
Hadaba waxaan ku soo koobayaa aragtidayda ku waajahan shaqo la,aanta dalka ka jirta dhawr talo oo ah :—————
In shaqo kasta oo dawladu  bixinayso si daacadnimo ah oo xalaal ah loo  bixiyo.
In shaqo kasta oo ay haayuhu soo xayaysiiyaan  ay gacanta ku hayso wasaarada shaqada iyo arimaha bulshadu.
In ganacsatada lagu dhiiri galiyo sidii ay warshado dalka u keeni lahaayeen.
In ardayda dhigata jaamacdaha sanadka u dambeeya loo siiyo tobabar shaqo .
Ardayda iyo aqoon yahankana waxaan leeyahay noqda kuwii aamina dalkiina kuwii samra, kuwii dadaala, kuwii keeno fikrado cusub oo lagu shaqayn karo.

Wabilaahi tawfiiq
More about me
Farhan Mohamed Sultan Nur (Rakad)
Email: farxaanmxd@gmail.com
TELL: 252263–4400319
Hargeisa
Skype: Farxaan.mxd
Face book: rakad mxd sultan
Social activist
Thank you all

Comments are closed