Shaqo Joojin Lagu Sameeyey Guddoomiyihii Degmada Gaarisa iyo Saraakiil Ammaanka Ka Tirsanaa
Garisa:April,22,2015(SDN/QJ)-Xukuumadda Kenya, ayaa Go’aansatay inay shaqada ka joojiso Guddoomiyihii Degmada Garisa oo uu dhawaan Xasuuqu ka dhacay iyo shan sarkaal oo ammaanka ku shaqo lahaa.
Wararka ayaa sheegaya in saraakiishan iyo mas’uuliyiinta shaqada laga eryay lagu eedeynayo inay suura gal tahay inay ka war hayeen weerarka lagu qaaday Jaamacadda.
Guddoomiyihii deegaanka Gaarisa Njenga Miiri ee shaqada laga joojiyay ayaa hore waxaa uu madax uga ahaa deegaanka xeebta ee Lamu, halkaasoo hore Al-Shabaab u weerartay, kuna dishay ilaa 60 qof.
Dowladda Kenya ayaa dhowrkii todobaad ee u dambeeyay qaaday tallaabooyin ay uga jawaabeysay weerarkii Jaamacadda Gaarisa, waxaana ay xayiraad ku soo rogtay xawaalado iyo akoono ay leeyihiin ilaa 86 ruux.
SDN/QJ
Contact@somalidiasporanews.com