|

Shaqadii wasaaradda Warfaafinta Oo Guud ahaanba Istaagtay iyo Guddi Turxaan Bixin ah Oo Maanta Hawlo Ka Bilaabaya.

Hargeysa:11-Dec-2013(SDN)-Shaqadii iyo Kala Dambayntii wasaaradda Warfaafinta qaranka oo halbawle u ah dawladnimada, ayaa Guud ahaanba istaagtay tan iyo intii madaxtooyadu soo celisay maareeyihii uu wasiirku shaqada ka joojiyey.

joojiArrintan ayaa ka dhalatay ka dib markii shaqaalaha Telefishanka qaranka iyo kuwa guud ahaan ka shaqeeya wasaaraddu ay la kala safteen labada masuul ee hawsha isku jiidhay, waxana ay taasi sababtay in madaxtooyadu mar kale arrinta faraha la soo gasho.

Guddi wasiirro ah oo uu hoggaaminayo wasiirka wasaaradda  Ganacsiga iyo Maalgashiga Somaliland Maxamed Cabdilaahi Cumar, ayaa lagu wadaa inay maanta hawshaas galaan oo ay khilaafka ragaadiyey hawsha wasaaradda meesha ka saaraan haddii ay u suurto gasho.

Wasiirka warfaafinta  Cabdilaahi maxamed daahir Cukuse ayaa isagu khaati ka taagan farogelin ay shaqadiisa ku hayso  madaxtooyada oo xarunta tv-ga qaranka ku  Baratay malafsi iyo lacago xad dhaaf ah oo  inta badan ku  howda halkaas maadaama aanay cidi xisaabin kharashaadka tirada badan ee soo hoyda, waxana ay taasi keentay inay madaxtooyadu iska diido amarkii wasiirku shaqada kaga joojiyey maareeye khaddar cali gaas oo haatan xayndaabka wasaaradda ku soo noqday.

Wasaaradda warfaafinta ayaa  noqotay wasaaraddii  ugu bedelka badynayd tan iyo intii xukuumaddani jirtey, waxana  ay noqotay dhuun madaxtooyada laga waraabiyo oo aan la ogolayn in ciddii la keenaa madax bannaanaato, iyadoo inta badan maamulkeedu hoos yimaaddo haween ay horkacayso marwada koowaad oo iyagu lacagta ka soo xeroota faraqa ku  qaato, balse aanu madaxweynuhu wax  badan kala  soconin.

 

Guddidan ayaa lagu wadaa inay maanta la kulmaan labada masuul ee wasaaraddaas jooga, waxana laga sugayaa natiijo ay madaxtooyadu ku  faraxdo, maadaama haweenka walafka ku qaaday lacagta wasaaraddu aanay ogolayn in maareeyaha cidi la hadasho, halka madaxweyne Siilaanyo iyo inta isku jaalka yihiina aanay ka Ogolayn in wasiirka cidi juuq u tidhaahdo.

 

 

 

S.D.N

Contact@somalidiasporanews.com

Comments are closed