|

Shaqaaqo hor leh oo mar kale ka dhacday Deegaanka Qorilugud iyo Laba Nin oo ku naf waayay

Hargeisa 20.May 2014 (SDN/QJ)- Laba Qof ayaa ku dhintay weerar gaadmo ah oo lagu qaaday niman marayay Goob u dhaxaysa Deegaanada Qoriluugud iyo Buuhoodle ,Sida uu Noo Xaqiijiyay Maayirka Magaalada qorilugud oo aanu khadka telefonka ku helay,Isagoo intaas ku daray in nimanakani oo u socday deegaanka qorilugud ay weerar ku qaadeen dad hubaysan oo ka soo jeeda deegaanka buuhoodle oo ay utun hore dhextaalay.

 

Maayirka qorilugud Maxamed Cumar Faarax ayaa noo xaqiijiyay inay dhimashadu tahay laba qof “ waxay ahaayeen rag meesha iska mararay ,waxa geeriyooday Alle ha u naxariistee Laba qof, hataan xaaladu way degantahayoo waxa kala dhexgalay odayaal,dadkani wadad ayay mareyeen waxanay ku socdeen deegaanka Qorilugud meeshuna waa Xadhadhanka oo U dhaxaysa Buuhoodle iyo Qorilugud , Labada nin ee geeriyooday waxay ka soo kala jeedaan Deegaanka Qorligud iyo Buuhoodle, arrinkana odayaal ayaa galay oo maaha in laga sii hor dhaco laakin waxan kuu xaqiijinayaa inay xaaladu haatan degantahay “ayuu yidhi Maxamed cumar faarax .

Waxay ahayd todobaadkii hore markii ay deegaanka u dhexeeya qorilugud iyo buuhoodle ka dhacday shaqaaqo noocan oo kale ah oo ku dhisan reero utuni ka dhaxaysa keenayna dhimasho iyo dhaawac laakin gurmad xoogan oo odayaysan ayaa laga galay arinaasi waana la soo afjaray.

Hargaysa SDN/QJ.

contact@qurbejoog.com

contact@somalidiasporanews.com

Comments are closed