Shaqaale MSF looga Heystay Soomaaliya mudo Dheer oo la sii daayay
Nairobi July 19,2013(SDN)-Hay’ada Dhakhaatiirta aan xadka laheyn ee MSF ayaa sheegtay in la sii daayay shaqaale afduub uga maqnaa mudo 21 bilood ah.
Shaqaalaha MSF oo laga afduubtay xerada qaxootiga ee Dahadhaab ayaa la aaminsanaa in ay afduubteen Al Shabaab.
Sidoo kalen ay ku hayeen dalka Soomaliya mudadaa ay maqnaayeen shaqaaluhu.
Hay’ada MSF ayaa sheegtay in haatan xoriyadoodii loo soo celiyay laba ka mida shaqaalihii hore loo afduubtay.
Labadan ruux ee haatan la sii daayay oo ah haween lakala yidhaahdo Montserrat Serra iyo Blanca Thiebaut ayaa caafimaadkoodu caadi yahay.
Ma cada cida siideysay iyo kolka shaqaalaha intooda kale la siii deyn doono.
SDN-Nairobi
contact@somalidiasporanews.com