|

Shaqaalaha Madaarka Cigaal oo Loo Furay Kulan ay Ku Baranayaan Habka Gargaarka Deg Dega ah

Hargeysa, 22 April, 2015 (SDN/QJ)- Wasiir Ku-xigeenka Wasaaradda Duulista Hawada iyo Gaadiidka Cirka Jamhuuriyadda Somaliland, ayaa maanta tabobbar u furay Shan iyo toban ka tirsan Shaqaalaha Madaarka Cigaal ee magaalada Hargeysa, kaasoo lagu barayo adeegga gargaarka deg-degga ah (First Aid).

gargaarFuritaankii tabobbarkan oo lagu qabtay isla Madaarka waxaa ka qayab-galay Wasiir Ku-xigeenka Wasaaradda Duulista, Maamule Ku Xigeenka Kowaad ee Madaarka, Madaxa Shirkada NASHA, iyo  Gudoomiyaha Gobolka Maroodijeex ee hay’adda BISHA-CAS.

waxaa ugu  horayan halkaasi ka hadlay Maamule Ku Xigeenka kowaad ee Madaarka caalamiga ah ee Cigaal Maxamed Xuseen Jaamac oo yidhi “ Marka hore farxad ayey ii tahay in aan idin kala soo qayb galo, tababarkan ku soobsan gargaarka degdega ah (First Aid Training) ugu horayan waxaan u mahad naqayaa  Bisha Cas (SRCS) iyo Hay’adda HRM oo tababarkan bixinayasa oo siinaysa 15 Shaqaalaha Madaarka Caalamiga ah ee Cigaal ka tirsan kuwaas oo ka kala tirsan  qaybaha uu madaarku  ka kooban yahay, dabcan tababarku waxa uu ku saabsanyahay in qof waloo shaqaale ahi uu isagu inuu caawin karo qofka wax ku dhacaan, oo waxa xitaa la baraa Hooyooyinka guryahay jooga”

Waxaa isaguna halkaasi ka hadlay Gudoomiyaha Gobolka ee Hay’adda Bisha Cas Axmed Ciise Maxamud waxaanu yidhi “Runtii maanta aniga waa ii farxad gaar ah maalmo badan oo farxadeed waan soo maray lakiin maanta aniga way iiga yara duwantahay, sababtu waxa weeye fursad aan in badanba raadinaayey ayaan maanta la kulmay, qiimaha ay leedahay waxa weeye aniga oo maanta shaqaalahahii Wasaaradda Duulista,oo runtii dadaal dheerna u soo galay, horumarka iyo dadaalka iyo bilicda ka muuqata maanta madaarkan in la kobciyo aqoontooda iyo daryeelkooda oo lagu kobciyo qiimaha gargaarka degdega ahi leeyahay (First Aid), gargaarka degdega ahi waa waxyaabaha kor u qaada sumcada Madaarada, runtii anigu waxaan ku guubaabinayaa qof waloo ka tirsan shaqaalaha madaarka in uu fiiro gaar ah siiyo (First Aid) waxa uu yahay, anagu hadii aanu nahay Ururka Bisha Cas mabaadiidayada waxa ka mid ah samo falka daryeelka dadka tabaalaysan, tababarada aanu bixino wax ka mid cashrkaa maanta  idinka laydin siinaayo ee Madaarka ka qabsoomaya.”

waakaasGabagabadii munaasibadaasi ayaa waxa ka hadlay Wasiir ku Wasaarada duulista hawada iyo Gaadiidka Cirka Somaliland Saciid Cabdi Maxamed, waxaanu yidhi “ waxaan idinku soo dhawnayaa tababarkan maanta laydin siiynayo ee ku saabsan Gargaarka degdega ah, kaas oo looga baahan yahay in la baro shaqaale kasta oo ka hawl gala goobaha madaarada ay ka mid yihiin, iyo in Koox kastaa ay lahaadaan dad ku shaqeeya gargaarka degdega ah, waxaan aad ugu mahad naqayaa Hay’ada soo qaban qaabisay tababarkan ee HRM, iyo Hay’ada BISHA CAS oo tabarka bixin doonta, waxana idinku soo dhawaynayaa tabarkaas, waanu idiin furan yahay.” Ayuu yidhi Wasiir ku xigeen Saciid Cabdi.

Xogta. Xafiiska xidhiidhka Dadweynaha iyo Saxaafadda ee W/Duulista Iyo Hawada JSL.

Hargeysa,SDN/QJ

contact@qurbejoog.com

 

Comments are closed