Shan iyo Sagaashan Askari oo ka Tirsan Ciidamada RRU Iyo SPU oo loo soo Gabo gabeeyay Tababar uga socday Dugsiga Mandheera
Mandheera 12.March 2014 (SDN)- Shan iyo sagaansha askari oo ka kala tirsan ciidamadda Ka Jawaabista Hawl galada Degdega ah ee RRU Iyo Kuwa SPU ayaa Maanta Tababar u Socday Mudo 45 uga Socday Dugsiga Tababarka ee Mandheera ayaa Maanta loo soo Gabo gabeeyay..
Xafladaasi oo ka qabsoontay dugsiga tababarka lixle ee mandheera ayaa waxa kazoo qeyb galay Wasiir ku Xigeenka Arrimaha Gudaha ee Maamulka Gobolada iyo Degmooyinka Mudane Cismaan Garaad Soofe,Taliye ku Xigeenka Ciidamada Booliska Sareeye Guuto C.raxmaan Liibaan Axmed “Fooxle” maayirka degamadda mandheera yaasiin yuusuf , hogaanka ciidanka booliiska ee birmadka cabdi axmed jiir , hogaanka tababarka ciidanka booliiska siciid xasan iyo taliyaha dugsiga mandheera cabdilaahi budul.
Tababarkaas oo ah mid dabasocday tababaro hore oo ciidamada SPU iyo RRU ay hore usoo qaateen ayaa maanta loogu soo xidhay halkaasi waxaana halkaasi ka hadlay wasiir ku xigeenka wasaaradda arimaha gudaha ee maamulka gobolada iyo dagmooyinka mudane cismaan garaad soofe oo ku dheeraaday qiimaha ay ciidamada booliisku u leeyihiin qaranka waxaanu ugu horeyn si weyn ugu mahad celiyay macalimiinta tababarkaasi bixinaysay iyo cid kast oo gacan ka geysatay fulinta aqoon koradhsigaasi, waxaanu intaa ku daray in caadamada booliiska qeybahooda kala duwani in ay yihiin kuwo hadh iyo habeen heegan ugu jira ilaalinta amniga qaranka waxaanu ciidamada tababarka dhamaystay kula dardaarmay in aqoonta ay barteen ay ku hagaan hawlaha ay u hayaan bulshadda.
Waxa sidoo kale halkaasi ka hadlay taliye ku xigeenka ciidanka booliiska somaliland sareeyo guuto cabdiraxmaan liibaan axmed “fooxle” oo ka waramay maraaxiilka uu soo maray tabarkaasi soo maray isagoo xusay in uu daba socdo tabotabro hore oo u soo socday ciidanka booliiska qeybihiisa kala duwan waxaanu ciidamada usoo jeediyay in ay aqoonta ay abrteen ay ku dabaqaan shaqooyinkooda ay hayaan .
Waxa iyna halkaasi ka hadalo ku aaddan ujeedada tababarka kazoo jeediyay halkaasi hogaanadda kala duwan ee ciidanka booliska taliyaha dugsiga iyo maayirka degmada mandheera kuwaasoo si weyn u amaanay ciidanka tababarka dhamaysatay iyo macalimiinta tababarka bixinaysay .
Mandheera SDN.
Qurbejoog.com