Shalay: Mush-xaraddii Haweenka, Muusowgii Mudanayaasha iyo Mawaadiicdii aanu Magac-dhebin Madaxweyne Siilaanyo
Hargeysa:May,08,2014(SDN/QJ)-Habkii Loo Abaabulay Booqashadii Madaxweyne Siilaanyo ku imanayey Labada Gole, ayaa ahayd mid ka duwan kuwii sanadihii hore lagu arki jirey, waxana Goobta awaamiirteeda inta badan Bixinayey Shaqaalaha ka hawl gala Golaha, iyadoo Shaqaalaha Madaxtooyada iyo ciidankaba ay ka muuqatay martinimo iyo ixtiraam ay u hayeen Shaqaalaha Golaha.
Ma jirin wax is afgaran waa ah oo dhex maray Ciidanka ilaalada Madaxtooyada iyo shaqaalaha Golaha sidii dhici jirtey Sanadihii hore, waxana si haboon shaqadooda u gudanayey shaqaale-hoosaadka Golaha ooh ore tacaddiyo uga kulmi jirey Ciidanka Madaxtooyada.
Xildhibaanada Labada Gole ee Guurtida iyo wakiillada ayaa xilli horeba iska xaadiriyey Hoolka ay Golaha Guurtidu Gaarka u leeyihiin, iyadoo waliba loo baratameyey Kuraasta hore ee wajahadda Fadhiga si aan loo kala dhex gelin iyaga iyo Madaxweynaha, waxana ay jawi Deggen ku fadhiisteen Kuraasta loogu talo galay oo u kala qaybsanayd laba qaybood oo kala ahaa qayb Guurtida loogu talo galay iyo qayb kale oo Wakiillada loogu talo galay.
Diyaar-garawga iyo Imaanshiyaha madaxweynaha ee Xarunta Baarlamaanka ayaa laga dareemayey Agagaarka Aqalka Madaxtooyada, iyadoo ay indhaha shacabkii Goobahaas Marayey qabanayeen Ciidamo si weyn u lebisan oo si habaysan u safar dariiqa u dhexeeya Wasaaradda Maaliyadda iyo Isgoyska dhakhtarka weyn iyo Aqalka Baarlamaanka u dhexeeya, iyadoo intii hore ay Gaadiidka dadweynuhu si caadi ah u isticmaalaiyeen, balse markii uu soo bixitaanka Madaxweynuhu soo dhawaaday ayaa laga joojiyey Gaadiidka.
Abaaro 9:38-Daqiiqo ayuu kedinka Madaxtooyada ka soo baxay Madaxweyne Siilaanyo oo ay hareero socdaan Raxan ka mid ah shaqaalaha Madaxtooyada, wasiirro, taliyayaal ciidan, Madax ka tirsan Xisbiga Kulmiye, xildhibaanno iyo Waliba Koox Haween ah oo taageerayaasha Xisbiga Kulmiye iyo Xukuumaddaba caan ku ah, kuwaas oo loogu talo galay inay Labeen u noqdaan waftiga hortegi doona Golaha, isla-markaana ay jiib, sacab, sacab iyo Mushxarad ku giijiyaan Khudbadda uu madaxweynuhu la hortegi doono Labada Gole.
Mid ka mid ah Xog-hayayaasha labada Gole ayaa xildhibaanada ku wargeliyey inuu madaxweynihii soo socdo, isla-markaana Mudanayaasha looga Baahan yahay inay u sare kacaan, sacabna ku soo dhaweeyaan, taas oo ay xildhibaanada Badankoodu gaar ahaan kuwa muxaafidka ahi kaga dhabeeyeen markii uu madaxweynuhu goobta soo gaadhay.
Madaxweynaha oo wata koox aad u tiro badan oo Golihiisa wasiirrada ka mid ah ayaa Goobta soo galay, waxana uu kala dhex fadhiistay Labada Guddoomiye-ku-xigeen ee Golayaasha Guurtida iyo Wakiillada, iyadoo xildhibaanada lagu wargeliyey inay u diyaargoobaan dhegaysiga khudbadda madaxweynaha.
Abaaro 9:45-Daqiiqo ayuu madaxweynuhu bilaabay khudbadiisii uu halkaas la yimi, taas oo sanadkan ka yarayd kuwii hore, isla-markaana u badnayd waxqabad iyo waliba Jawaabo uu u diray waddamada Jaarka oo ay Somalia ugu horrayso.
Intii Khudbadda madaxweynuhus Socotay, waxa Mudanayaasha loo qaybiyey Buugaag Kooban oo uu ku qoran yahay wada-hadalladii dhawaan Dhex maray Somaliland iyo Somalia, waxana uu Xildhibaanada ka codsaday inay naaqishaan, wixii dani ku jirtana doodahooda ku darsadaan.
Khudbadda Madaxweynaha ayaa la odhan karayey waxa ku jirey waxyaabo sanadkii horena ku jirey oo ay kaw ka ahayd derejo Bixinta iyo waliba kordhinta Mushaharkooda oo uu isla shalayna mar kale ku soo celiyey, waxana uu Mudanayaasha ka codsaday inay ansixiyaan Xeerarka dhinaca nabadgelyada ah ee ay madaxtooyadu u soo gudbisay.
Sidoo kale waxa uu khudbadiisa madaxweynuhu mar kale ku soo daray Horumar uu sheegay inay ka gaadheen dhinaca Siyaasadda Arrimaha Dibadda iyo ictiraaf-raadinta, taas oo sanadihii horena uu sidan si la mid ah u sheegi jirey inuu horumar iyo marxalad dunidu Bogaadisay uu Gaadhay, balse wali taasi waa Halkeedii.
Dhinaca Waxbarashada ayuu madaxweynuhu sheegay inay kor u qaadeen, balse marna muu soo Hadal-qaadin Tayo darrada iyo Hoos u dhaca ka jirta Waxbarashada Somaliland, gaar ahaan Waxbarashada Gaarka loo leeyahay oo muddooyinkii ugu dambeeyey Noqotay wax lagu ganacsado oo aanay cidi si buuxda u kaangtaroolin.
Madaxweynaha ayaa Khudbadiisa ku Taabtay Mushaharooyinka ay qaataan Wasiirradiisu, midka ay ciidanku Qaataan iyo waliba midka ay Xildhibaanada Laftoodu qaataan, isagoo sheegay in xukuumaddiisu Ciidamada, Wasiirrada iyo Mudanayaashaba kor u qaadday mushahaarooyinkii ay hore u qaadan jireen,
Qoraalka uu madaxweynuhu mushaharooyinka kaga Hadlay, ayaa sidan ahaa “Askarigu wuxuu qaadan jiray mushahar: SL.SH/=265,200 taasoo u dhiganta ($44), Maanta wuxuu qaataa mushahar: SL.SH/=636,000 + Gunnada Derjada taasoo u dhiganta ($106 + Gunnada Derajada)
Wasiirku wuxuu qaadanayey: SL.SH/=4,800,000 taasoo u dhiganta ($800), Maantana wuxuu qaataa: SL.SH/=14,100,000 taasoo u dhiganta $2,350
Garsooruhu wuxuu qaadanayey: SL.SH/=2,097800 taasoo u dhiganta $349.6, Maantana wuxuu qaataa: SL.SH/=8,100,000 taasoo u dhiganta $1,350
Xildhibaanada Golayaashani waxay qaadanayeen: $421 (SL.SH/=2,526,000), Maantana waxay qaataan: (SL.SH/=8,125,000) taasoo u dhiganta $1,354”
Mushaharooyinka ay xukuumadda Madaxeyne Siilaanyo u qortay Wasiirrada iyo xildhibaanda ayaa u muuqda kuwo si weyn loo xad-dhaafiyey, sida runta ahna uma muuqdaan ama ma istaahilaan wax maanta uu madaxweyne Siilaanyo ku faano, maadaama Heerka Nolosha shacabka caadiga ahi meel hoose marayso, xilli uu xildhibaanku Bil walba Jeebka ku shubo Lacag gaadhaysa $1,354.
Madaxweynaha ayaa mar saddexaad Mudanayaasha ka codsaday inay Meel-mariyaan Xeer ka soo horjeeda Distoorka Qaranka oo uu sheegay inuu Haweenka Kooto ugu samaynayo, kaas oo ay hore Mudanayaashu dib ugu celiyeen.
Dhacdooyinkii ku Lammaanaa Khudbadii Madaxweynaha
Intii Khudbadda Madaxweynuhu socotay waxa Goobta lagu arkayey Guddoomiyaha Xisbiga Muxaafidka ah ee Kulmiye Muuse Biixi Cabdi, kaas oo ay ka muuqatay jawi aan faraxsanayn, waxana uu fadhiyey Goob gaar ah, isagoo dhexda u galay Ku-simaha Xog-haya Guud ee Xisbiga Ucid iyo Waliba Xasan Gaafaadhi oo ahaa xubinta labaad ee Xisbiga Kulmiye Goobta ka Joogay, kamana ay muuqanin is dhexgalkii Hadalladii dhex mari jirey isaga iyo Xubnaha kale ee Wasiirrada ka mid ah.
Marka la eego Jawigii uu Shalay ku sugnaa Guddoomiye Muuse Biixi, waxa muuqatay in Hadalkii uu ku shaaciyey inuu Guddoomiye Yahay ay kala dhantaashay Muxubaddii dhex taallay isaga iyo madaxweynaha, iyadoo inta badan Xubnaha wasiirraduna u muuqday kuwo iska barbarinaya si aanay isha madaxweynuhu ugu arkin Muuse Agtiisa.
Xisbiga Waddani ayaa iyaguna Goobta ka maqnaa, lama arkin cid metelaysa oo ay halkaas u soo direen xilli uu Guddoomiyahoodii Dalka Dibaddiisa ku maqan yahay.
Khudbadda dhexdeedii waxa Goobta si weyn looga dareemay Koox Haween ah oo caan ku ah taageerada Xisbiga oo Sawaxan mush-xarad u badan ku taageerayey erayadii ka soo baxayey Afka madaxweynaha, iyadoo ay Golaha wasiirraduna ku saacidayeen Sacab iyo Or dheeri ah si ay u muujiyaan taageerada Madaxweynaha iyo Hannaanka uu hadalkiisa u soo dhigay.
Sacabka, Sacabka iyo Jiibtu kali kuma ay ahayn Kooxda Taageerayaasha ah ee Madaxtooyada laga soo Kaxeeyey, balse waxa iyaguna Khudbadii madaxweynaha Sacab iyo waliba Miis-garaac ku dhabqiyey Mudanayaasha Labada Aqal Intooda Badan, oo dhegaysi la’aan sacab iyo Or ka horgeynayey, taas oo madaxweynaha Gelisay Dareen ah inaanay jirin cid si gaar ah ugu fiirsanaysa Khudbaddiisa oo Mudanayaashu la dhacsan yihiin Hannaanka uu wax u wado.
Wasiirrada iyo Xubnaha kale ee xukuumadda ka tirsan ayaa sidii ay caanka ku ahaayeen soo dayacay Shaqooyinkii ay qaranka u hayeen, iyagoo buux-dhaafiyey Hareeraha Madaxweynaha inkastoo wasiirro miisaan lihi ay shalay ka maqnaayeen Goobtaas.
Waxyaabihii laga Filayey Khudbadda Madaxweynaha ee uu ka Gaabsaday
Sanadkan waxa Khudbadda Madaxweynaha laga Filayey inuu kaga Hadlo Arrimo badan oo ay ka mid tahay Doorashooyinka Madaxtino, kuwa Baarlamaanka oo wakhtigoodii Gebogebo yahay oo shaki laga muujinayo sida ay ugu qabsoomi karaan Xilligii Loogu talo galay, balse Madaxweynuhu Hal Erayna kama uu dhan arrintaas.
Filasho kale oo ahayd inuu ka Hadlo Xidhiidhka Xukuumadiisa iyo Saxaafadda Madaxa Bannaan oo liita inuu ka Hadlo ayuu iyadana Afkiisa ka dhawray oo aanu soo Hadal qaadin.
Waxa kale oo laga filayey Madaxweynaha inuu Ka Hadlo Hankiisa dhinaca Madaxtinimada shanta sano ee soo socda oo dad badani filayaan inuu Haamaha u biyeysan doono, balse waxa uu doorbiday inuu Aamusnaan kaga jawaabo oo aanu khudbadiisa ku soo qaadanin.
Ugu dambayntii waxa Gebogeboowday Khudbaddii Madaxweynaha, waxana Shirguddoonku ku dhawaaqay inuu Madaxweynuhu fasaxan yahay, iyadoo Waftigii ballaadhnaa ee Madaxweynuhu Hoggaaminayey Goobta kaga Baqooleen Farxad iyo rayn-rayn, mana jirin Hal xildhibaan oo codsaday inuu Madaxweynaha Su’aal Weydiiyaan.
SDN/QJ-Hargeysa
Contact@somalidiasporanews.com