Shaki iyo is Aamin La’aan Soo Kala Dhex Gashay Isimo Taageersan Khaatumo Oo Waday Qabanqaabada Shirweyne Boocame Lagu Qabanayey
Boocame:05-April-2014(SDN)-Waxa Deegaanka Boocame oo haatan ay Gacanta ku hayso Khaatumo ka Socda Abaabulka SHir la Doonayo in la Isugu Keeno Beelaha Sheegta inay Maamulkaas wada leeyihiin, balse waxa soo Baxaya Shaki Arrintaas Laga Muujinayo.
Sida ay sheegayaan wararka ay Helayso Shabakadda Qurbejoog.com, waxa Abaabulka shirkaas Boocame Gadh-wadeen ka ah Garaad Saleebaan oo ay ka Go’antahay in shirku dhaco, waxase soo Baxaya Warar sheegaya inuu Garaadku Cid Gaar ah Haatan shaqada u hayo oo uu ku xidhan yahay.
Garaad Saleebaan ayaa lagu eedaynayaa inuu Xidhiidh Dhaw la leeyahay Maamulka Puntlnad, kaas oo sida la sheegayo gacan toos ah ku leh Shirkan la wado iyo waliba Ajandayaasha La keeni doonoba.
Maamulka Puntland ayaa sida muuqata doonaya inuu Gacan muuqata ku yeesho Arrimaha Kooxda KHaatumo uu Go’doomiyey Madaxweynihii hore ee Faroole, waxase uu Haatan Madaxweyne Gaas Doonayaa inuu Kooxda u caqli celiyo oo inta Hadhay ku soo Daro Maamulkiisa sida uu ku sameeyey Kuwii sheegan jirey Madaxdeedaba oo uu haatan wasiirro ka dhigtay.
Sidoo kale Madaxweyne ku xigeenka Puntland oo Dhalasho ahaan ka soo jeeda Deegaanada Kooxdaasi sheegato ayaa si weyn Shirkan ugu dhex jira, waxana Taasi shaki iyo is aamin la’aan ka dhex dhalisay kooxda Goosashada Khaatumo u heellan iyo waliba Garaadka oo si weyn looga Taageero Deegaanadaas.
Shirkan oo markii hore u jeeddadiisu ahayd inuu kulan siiyo Isimada taageersan Maamulka Khaatumo, ayaa haatan u muqda mid aan sidaas ku sii socon doonin, iyadoo ay Isimada laftoodu muujinayaan Shaki iyo kalsooni darro dhexdooda ah.
Wali lama Cayimin muddada Rasmiga ah ee uu shirku furmi doono, waxase lagu jirey Qabanqaabbadiisa iyo diyaarinta Ajandayaashiisa ka hor intii aanu shakigan soo Bixin.
S.D.N