|

Shakhsi Dunida Laga Qaddariyo Oo Daaha Ka Rogay Sababo Macquul ah Oo Keenay In La Waayo Diyaaraddii Rakaabka Sidday Ee Malaysia Lahayd

Kuala Lumpur:May,22,2014(SDN/QJ)-Xilli Dunidu ku jaah-wareertay ka sheegaynta Diyaaradii  Rakaabka sidday ee dhawaan lagu waayey Dalka Malaysia, ayaa war xiiso lihi ka soo yeedhay Shakhsi si weyn looga qaddariyo Malaysia iyo Dunida Kaleba.

muhaRa’isal wasaarihii hore ee Malaysia Mahatir Maxamed oo lagu tiriyo Shaqsiyaadka xaga Siyaasadda heerka sare ka gaadhay ayaa wuxuu muujiyay suurtagalnimada in Gacmo Sirdoon Caalami ah ay ka dambeeyaan Dayuuraddii ku jirtay Duulimaadka Lambar 370 ee Malaysia ka kacday.

 

Mahatir oo Boggiisa Facebook Hadal kusoo qoray ayaa ku sheegay in Dayuuraddaas ay Meel uun ku sugantahay, isla markaana ay wax lala yaabo tahay in Diyaarad dhan la yidhaahdo halka ay jirto lama oga.

 

“Wax kasta oo Dhulka ka kaca waa ay soo degaan. Waa dhici kartaa inay Nabad kusoo degto Diyaaraddu ama ay burburto. Laakin lama qaadan karo in Diyaaraddii gebigeed halka ay joogto la aqoon waayo, iyadooba waliba Qalabka ugu casrisan ee wax lagu baadho loo adeegsanayo baadi-goobka Dayuuradda” ayuu yidhi Mahatir.

 

Mahatir Maxamed wuxuu intaas raaciyay in arrinta kale ee uu la yaabanyahay ay tahay in Qalabkii Dayax-gacmeedyada lagu daba galayay ee MH370 uu Shaqada gabay, waxaana laga yaabaa buu sheegay in Cid Dhulka joogta ay Qalabkaas ciladeysay amase Xarun Dhulka ku taala ay Dayuuradda  u yeedhatay.

 

“Dayuuraddan wuxuu Nooceedu ahaa Boeing 777, waxaana sameeysay Shirkadda Boeing oo dhamaan Qalabka Xidhiidhka iyo Daba-galka Dayax-Gacmeedkaba u dhistay. Hadaba hadii Dayuuraddii la wayay amaba ciladowday, waa hubaal inay Shirkaddu ka warqabto sida ay taasi ku timid. Waana Shaki la’aan in Shirkadda Boeing ay Diyaaradeedaas markii horaba u sameysay hab loogaga hortagi karo inay Ciladowdo, si badbaadadeeda loo ilaaliyo” ayuu yidhi Ra’isul wasaarihii hore ee Malaysia.

 

Mahatir ayaa maleeyay inay jiri karaan Dhinacyo Sirdoon ah oo ku Lug leh Diyaaradan qarsoontay, wuxuuna soo xigtay Maqaal uu 2006-dii Qoraa John Kroft la yidhaa ku faafiyay Website-ka Flight Global, kaas oo lagu sheegay in Wakaaladaha Sirdoonka Dunida sida kan Mareykanka ay awood u leeyihiin inay Qalab ku hagaan Dayuuradaha oo ay halkeey doonaan ku dajiyaan iyagoo adeegsanaya Duuliye Gacan ku sameys ah.

 

“Sow suurtagal maaha in Duuliyihii Diyaaradda uu Awoodi waayay inuu sii hago Dayuuradda, ka dib markii Dhinacyo kale oo Qalab meela fog fog yaala adeegsanaya ay soo fara galiyeen kaxeynta Diyaaradda?” ayuu is waydiyay Mahatir oo Maqaalka xiganaya.

 

Wuxuu ku baaqay inaan Waqti iyo Lacag lagu lumin baadhista Burburka Diyaaradda, ama qaar ka mida Shidaalkii ku jiray oo gororay iyo waliba Sanduuqeeda madow, wuxuuna xusay in Diyaaraddu ay meel un joogto, sidaas darteedna loo baahanyahay in hab kale wax loo maareeyo.

 

SDN/QJ-

timo@qurbejoog.com

Contact@somaliasporanews.com

Comments are closed