|

“Shacbiga waxaan ku wargelinayaa iney Kalsooni nagu qabaan inaan dadaalkeenna ku aadan sidii dalkan ku gaari lahaa nabad,xasilooni siyaasadeed iyo horumar” Gudoomiyaha Baarlamanka Somalia

Muqdisho 14.October 2013 (SDN)- Gudoomiyaha Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Sheekh Cusmaan Jawaari ayaa ugu hambalyeeyey shacbiga Soomaaliyeed guud ahaan meel walba oo ay caalamka ka joogaan Munaasabadda Ciida Carafo (Ciidul Adxa).

Gudoomiyaha Golaha Shacabka ayaa hadalkiisa ku bilaabay “Mahad oo dhan Alle ayaa iska leh, Alle ayaa weyn, dhammaan Shacbiga Soomaaliyeed meel walba oo ay aduunka kaga noolyihiin iyo Xildhibaannada Golaha Shacabka waxaan ugu hambalyeynayaa Ciida Carafo waxaanna leeyahay Ciid Wanaagsan, Sanadkaan sanad wanaagsan Alle hanooga dhigo “Kulu Caamin wa antum bikheyr”.

Jawaari“Waxaan Alle uga baryayaa dhammaan inta Xujeyda ah ee gudatay waajibaadka Xajka inuu Alle ka aqbalo, intii noosoo duceysayna uu ducadooda Alle inoo aqbalo,sidoo kalena intii soontay maalinta kheyrka badan ee 9ka bisha Dul-Xaj inuu iyana Alle ka aqbalo soonkooda,dhammaanna inta cibaadeysatay Alle inuu naga wada aqbalo ayaan ka rajeyneynaa aduun iyo aakhirana uu naxariistiisa na siiyo”ayuu hadalkiisa raaciyey Gudoomiyaha Baarlamaanka Mudane Maxamed Sheekh Cusmaan Jawaari.

Gudoomiyaha Baarlamaanka ayaa fariin gaar ah u diray Xildhibaannada waxaana uu yiri “Xildhibaannada Golaha Shacabka waxaan si gaar ah ugala hadlayaa in shaqo wanaagsan ay soo qabteen mudada sanadka ah ee ay shaqeynayeen, ammaan buuxda ayaan u jeedinayaa,waxaanse ku wargelinayaa in sanadkan soo socda ay bilaaban doonto shaqadii ugu cusleyd ee Baarlamaanka loo xilsaaray sidaas darteedna la doonayo iney kuligooda u diyaar garoobaan sidii ay shacabkooda si harag la’aan ah ugu adeegi lahaayeen”

“Shacbiga waxaan ku wargelinayaa iney Kalsooni nagu qabaan inaan dadaalkeenna ku aadan sidii dalkan ku gaari lahaa nabad,xasilooni siyaasadeed iyo hormar aanan ka hagran doonin ,marna gadaal uga guran doonin in dalkaan uu hormar ku talaabsado”ayuu Gudoomiyaha Baarlamaanka si gaar ah ugu diray shacbiga Soomaaliyeed.

Ugu dambeyntii Gudoomiyaha Baarlamaanka ayaa waxa uu ku baraarujiyey shacabka sunada Nabiga CSW maadaama ay ciidaan tahay ciidii weyneyd ineysan ilaabin in loo roonaado oo la caawiyo dadka aanan hantida laheyn oo qof walba uu sadaqada xasuusnaado,la isna caawiyo waxaana uu Alle ka baryey in shacbiga Soomaaliyeed meel kasta oo ay joogaan uu qalinkooda,qowlkooda iyo qaluubtooda uu iswaafajiyo , sidoo kalena waxa uu Alle uga baryey shacbiga Soomaaliyeed in sanadkaan sanadka xiga uu ku gaarsiiyo Nabad,Barwaaqo iyo Hormar.

Muqdisho SDN.

Qurbejoog.com

Comments are closed