Shacabkii iyo Masuuliyiintii Ku Godaboobay Taageerada Muuse Biixi Oo Liqi La’ Go’aankii Dillaalnimada ahaa ee Uu Qaatay
Hargeysa:June,22,2014(SDN/QJ)-Inta Badan shacabka ku dhaqan Somaliland, gaar ahaan Gobollada iyo Degmooyinka Galbeedka Dalka ku Yaalla iyo tiro ka mid ah Masuuliyiinta Xisbiga iyo kuwa Xukuumadda, ayaa si weyn uga murugaysan Tallaabadii uu Guddoomiye Muuse Biixi ku sheegay inuu ka tanaasulay Hankiisii Musharraxnimo ee Xisbiga Kulmiye Dhexdiisa.
Dadka arrintan sida weyn uga soo horjeeda, ayaa waxa laf dhuun gashay ku noqday Go’aankii uu Guddoomiyuhu sida Fudud ugu Go’aansaday inuu Madaxweyne Siilaanyo uga Hadho Musharraxnimada, isagoo aan Gelin wax Gorgortan ah oo taageerayaashiisu ku qanci karaan, isla-markaana uu si badheedh ah ugu sheego inuu iskii uga Hadhay Madaxweyne Siilaanyo.
Arrintan ayaa niyad-jab iyo warwar ku beertay taageerayaal iyo masuuliyiin Godob xadhig gaadhay u galay Muuse Biixi oo aanay markii hore hubaalti ka haysanin, maadaama uu isagoo aan iyaga wax talo ah weydiinin ogolaaday inuu si fudud uga hadho musharaxnimo uu muddo badan u samrayey.
Waxa ay shacabka muddadii muranka Kulmiye Taagnaa taageerada muujiyey iyo Masuuliyiintii ku waayey xilalkoodii wali liqi la’yihiin oo ka dhaadhici la’ inuu Guddoomiye Muuse shirar ogolaado in koox Calooshood-u-shaqaystayaal Ganacsato sheegataa Dillaal ka noqdaan Hankiisa Siyaasadeed ee taageerada weyn helay, iyagoo isku ciil-kaambiyaya Sidii ay ugu hagarbaxeen muujinta Taageeradiisa.
Dadka markii hore ubambaxay Taageerada Muuse Biixi ee Haatan ciilka la ledi la’ ayaa waxa ugu horreeya Garabyada Haweenka ee Xisbiga Kulmiye, kuwaas oo intii muranku taagnaa si muuqata taageerayaal ugu ahaa Muuse Biixi, isla-markaana Hadallo ka dhan ah Xukuumadda madaxweyne Siilaanyo iyo kooxda Taageerta si badheedh ah u mariyey Warbaahinta Dalka.
Haweenka Xarunta Xisbiga Kulmiye ku sugnaa ee Garbaha ka joogay Muuse Biixi ayaa in badan shalay Shirkii jaraa’id ee Muuse Biixi isku dayey inay is Hortaagaan, waxana uu in badan galay gorgortan uu kaga dhaadhicinayo inay siyaasaddu tahay wax lagu kala badiyo aanay cid waliba guulaysan Karin, isla-markaana ay guuldarraysteen.
Dadka sida weyn u taageeri jirey Muuse Biixi eek a soo horjeeda Dhawaaqa Guddoomiyaha ayaa raadinaya Waxyaabihii uu muuse Biixi ku beddeshay Hankiisii siyaasadeed uu uu shacabka ku geliyey Goddobta,kuwaas oo keenay inuu iska ilaawo Kumanaankii taageere ee la xidhxidhay iyo kuwii lagu tacaddiyey ee xorriyadoodii la duudsiyey.
Muuse Biixi wali shacabkii taageeri jirey ma siinin jawaab ay ku qancaan, waxana uu carrabka ka dhawray waxoogaaga Dhuuniga ah ee ee jeebka ku ritay, isagoo iska diiday inuu shacabkiisa ku qanciyo sababta keentay Guuldarrada uu qirtay.
Ganacsatada waaweyn ee Guddoomiye Muuse Biixi beeshiisa ka soo jeeda ayaa dillaaliin ka noqday Isku dayadii loogu kala dabqaadayey Muuse Biix iyo Madaxweyne Siilaanyo, waxana la sheegayaa inay Iyagu Beddelka Tallaabadaas ay qaadeen ku beddesheen qandaraasyo si Hagar la’aan ah loo siin doono muddooyinka soo socda, kuwaas oo aan haba yaraatee wax tartar ah la gelin doonin.
Wali Muuse dadkiisii ma siinin jawaab qancisa, waxana ay shacabkii taageeri jirey haatan ka fikirayaan halka ay Hankooda dhigi doonaan iyo waliba Waxa ay ka yeeli doonaan Jabka iyo hallaaga uu Muuse Biixi Jilbaha u geliyey.
SDN/QJ-Hargeysa
Contact@somalidiasporanews.com