Shacabka Soomaaliya ma ku dayan doonaan kuwa ree Benghzi ee Xagjiriinta dabada uga dhacay
Benghazi Sept 23,2012(SDN)-Shacabka ku dhaqan bariga dalka Liibiya oo kaashanaya ciidamada booliska ayaa shalay gebi ahaanba ka saaray xeryahoodii koox xagjiriina oo ka mida ahaa xoogagii la dagaalamay hogaamiyihii hore ee dalkaasi.
Kooxda Abu Slim ayaa waxa xeryihii ay uga jireen magaalada Benghazi ee kacdoonadu ka bilowdeen ka saaray shacab gadoodsan oo diidan in kooxahani ka faaiideystaan daciifnimada dawlada.
Xoogaga Abu Slim ayaa saacado ka dib kolkii Benghazi laga saaray waxa ay sheegeen in ciidamadooda la kala diri doono.
Sidoo kale kooxdii dhawaanta weerarka ku dilay safiirkii Mareykanka ee Liibiya ayaa iayaguna isaga baxay magaalada Derna oo xarun u aheyd.
Shacabka Soomaaliyeed ayaa kolka laga yimaado rididii dawladii maxamed Siyaad Bare aan ka dhiidhiyin kooxaha kolba magaca la baxa ee dalku ka degi waayay.
Taa waxaa dheer in Shacabka Soomaaliyeed ay mar walba la kala safanayeen kooxaha is hortaagayay kolba rajo walba oo dalka soo marta.
SDN-Banghazi
contact@somalidiasporanews.com