Shacabka Reer Buuhoodle Oo Ka Hortegay Tallaabo Ciidamo Ethiopian ahi Ku Doonayeen Inay Ku Qabtaan Nin Macallin ahaa Iyo Khasaare Ka Dhashay
Buuhoodle:Mar,17,2015(SDN/QJ)-Ciidamada Ethiopia, ayaa isku dayey inay gacanta ku soo dhigaan macallin qur’aan oo wax ka dhigayey Dugsi ku yaalla Gudaha Magaalada Buuhoodle ee Gobolka Buuhoodle, waxana Guuldarraystay Isku daygaas.
Ciidanka Ethiopian-ka ah ee Deegaankaas deggen, ayaa Xalay fiidkii hore si hoose usoo galay Iskuulka macallinkaasi dhigi jirey, waxana ay isku dayeen inay gacanta ku dhigeen, balse Ardaydii iyo Macallimiintii ayaa arrintaas ka gilgishay oo diiday, sida dad deegaanka ahi sheegeen.
Nin Degan Magaalada Buuhoodle oo BBC-da uga warramay dhacdadaas, ayaa hadalkiisa ku bilaabay hadalka dhacadada,
“Waxa dhacday in siddeedii midka mid ah madaraddaha magaalada macallin cabdilaahi oo gobollada Somalia u dhashay, ay ciidanka Ethiopia joogaa damceen inay soo qabtaan. Meesha wax ka dheceenna waa gudaha Somalia”ayuu yidhi Ninkan oo magaciisa ku sheegay Afweyne.
Khasaaraha halkaas ka dhashay, ayuu afweyne ka hadlay, waxana uu intaas ku daray sababta ninkaas loo doonayey in lasoo qabto, waxana uu yidhi,
“Ugu yaraan gabadh macallimad ah oo deegaanka u dhalatay, ayaa ku dhaawacantay oo haatan la daweynayaa, annagase waxay nagu yidhaahdeen ninkaas oo dhagarqabe ah ayaanu doonaynaa, ayey yidhaahdeen, laakiin ninkaasi ilaa laba sano ayuu magaalada joogay waana ku guursaday.”
Wadaadka la doonayey in qabto oo magaciisa lagu sheegay Sheekh Cabdilaahi, ayuu mudane Afweyne Faahfaahiyey sida uu uga baxsaday Kooxdii soo weerartay,
“niman kooban bay ahaayeenn markii ay isku dayeen inay qabtaanna argaydii iyo dadkii meesha ayaa ku kacay, ciidankaas meesha yimina waxay ka shakiyeen inay dadku u geystaan khasaare, waxana ay rideen rasaasta keentay in haweenaydaasi dhaawacanto.”ayuu yidhi Afweyne.
Sheekha ciidanka Ethiopian-ka ahi doonayeen inay qabtaan ayaa wali ka maqan gacantooda, waxana deegaankaas laga dareemayaa tallaabooyin ciidamadu ugu diyaar garoobayaan inay ninkaas markale gacanta kusoo dhigaan.
SDN/QJ