|

Shacabka Oo Is Weydiinaya Sababta Faysal Cali Waraabe Uga Aamusan Yahay Tallaabooyinka Qallafsan ee Xukuumaddu dalka Ka Waddo Maalmahan

Hargeysa:Nov,16,2014(SDN/QJ)-Gebi ahaanba shacabka somaliland, ayaa si weyn isu weydiinaya sababta uu Guddoomiyaha Xisbiga Ucid oo caan ku ahaa inaanu xaqa ka gabinini uu Haatan Afkiisa uga xidhay tallaabooyinka qallafsan ee xukuumaddu dalka ka wadddo maalmahan dambe.

yerDadweynaha ku Nool somaliland, ayaa warbaahinta kala duwan kala socday Boqolaal siyaasi oo dhexda usoo xidhay inay ka falceliyaan qalalaasaha siyaasadeed ee dalka ka taagan, waxase ay ka dhex waayeen Guddoomiye faysal oo isagu mar walba safka hore kaga jiri jirey cambaaraynta falalka caynkan oo kale ah.

Waxyaabaha ay shacabku sida weyn ula yaaban yihiin, ayaa ah inuu Guddoomiye faysal cali waraabe haatan ku sugan yahay badhtamaha Magaalada Hargeysa oo ah Goobta laga abaabulayo mu’aamaradaha dalka lagu khalkhalgelinayo ee Golaha wakiillada lagu soo dhex tuuray, waxase  muuqata inaanu Faysal doonayn inuu wax fikir ah ka dhiibto waxa dhacaya.

Faysal cali Waraabe oo haatan ah Guddoomiyaha xisbiga Mucaaridka ah ee UCID, ayaa dadka qaarkii sheegayaan inuu beryahan dambe saaxiib dhaw la noqday Xukuumadda Madaxweyne Siilaanyo, waxana, dadka sheegashadaas aaminsani ay haatan heleen marag-fur badan, maadaama aanu wali Guddoomiyuhu juuqba ka odhan dhibka taagan ee ilaa iyo dhimashada gaadhay.

Dadka naqdiya siyaasadda Faysal cali waraabe, ayaa sheegaya inuu jiro heshiis  hoose oo u dhexeeya Guddoomiye Faysal cali waraabe iyo xukuumadda Madaxweyne Siilaanyo, waxana ay  dadkaasi daliishadaan inuu Faysal  dhulka dhigay carooggguu muddada dheer lasoo daba taagnaa Xukuumadda Madaxweyne Siilaanyo iyo tii ka horraysayba, iyadoo aan in muddo ah dhegaha dadku maqlin hadalladii caddaa ee aan gabashada lahayn ee uu caanka ku ahaa.

Dadka fikirkan aaminsan ayaa intaas ku dara in heshiiskaas hoose lagu kala qaatay lacago badan, isla-markaana xukuumaddu ka dalbatay Guddoomiyaha inuu joojiyo naqdinta uu  inta badan sheego, isagana loo celin doono lacago tiro badan oo ka baxay xilliyadii uu guclaha ugu jirey Kursiga uu Haatan siilaanyo ku fadhiyo.

Ma jiro war arrintaas xaqiijinayaa, balse waxa shaki badani ku jiraa shacabka reer somaliland oo maanta tebay Hiilkii faysal cali waraabe iyo sidii uu runta u sheegi jirey, balse shakiga ayaa sii ballaadhanaya maalinba maalinta ka dambaysa.

Aamusnaanta Guddoomiye Faysal ayaa keentay inuu Hoos u dhaco  Cuddudii mucaaridnimo ee Xisbiga Ucid, waxana haatan meel walba laga hadal hayaa Xisbiga Waddani oo isagu ah xisbi Curdin ah oo muddo sanado kooban ah jirey,  halka aan la haynin Kulaylkii xisbiga ucid.

Xukuumadda ayaa haatan kaliya iska eegaysa xisbiga waddani  oo mudo  laba sano laga joogo dalka laga aasaasay, waxana aan la hayninmeel ay xukuumaddu kusoo hadal qaadayso xisbiga mucaaridka ah ee UCID, waxana  arrintani sii xoojinaysaa shakiga laga qabo mucaaridnimada Guddoomiye Faysal Cali Waraabe.

Si kastaba ha ahaatee waxa maalmahan dadka dhexdooda ka guuxaysa isweydiimo badan oo salka ku haya sababaha rasmiga ah ee uu Faysal uga aamusan yahay xaalka dalka, waxana wax waliba caddaan doonaan Maalmaha soo socda oo haddii uu sidan kusii wado ay caddaan doonto inuu xidhiidh dhaw la samaystay xukuumadda.

 

SDN/QJ

timo@qurbejoog.com

Contact@somalidiasporanews.com

Comments are closed