|

Shacabka ku dhaqan Magaalada Hargeisa oo amnigoodu Halis ku jiro iyo Xukuumadda oo iska indha tiraysa ,,,,,,,

Waxaan maanta Qalinka u qaatay Arin marba marka ka danbaysa isa soo taraaya  balse Dawladii wadanka xukumaysay aanay ilaa hadda wax talaabo ah aanay ka qaadin ,

Qofka binu,aadmiga ah waxa ugu wayn ee uu ku Gam,aa waa Nabad , somaliduna waxay ku maah-maahdaa  Rag Gogoshii waa nabad,

 

Waxaa aad iyo aad wax looga murugoodo ah in habeenkii ilaahay soo godoba dad ku dhaqan magaalada Hargeisa , ay inama yar yar oo afka soo duubtay dhiigooda daadiyaan , mindi galiyaan , faash la dhacaan , iyaga oo ay dawladu ogtahay arinkana ay ka dharagsantahay , dadka shacabkuna ay is waydiinayaan inamadan yar yar waxa ay dawladu wax uga qaban wayday ,

Dawladdu waxa ay ka masuul tahay Nabad-galiyada Naftaadda , maalkaaga , iyo ehelkaaga ,

Habeenkii xalay ahayd ayey ahayd markii niman afka soo duubtay ay nin ku qabteen mid ka mid ah Laamiga Hargeisa loogu isticmaalka badan yahay , iyaga oo Tooriyo iyo bakoorado ku hubaysan isla markaaan naftiisii halis galiyeen ,

 

Dhawr habeen uun ka hor ayey ahayd Markii mid ka mid ah dadka dagan xafadda NEW HARGEISA ay mobile yar ku dileen niman afka soo duubtay oo Tooriyo ku hubaysan ,,,,

Waxaa iyaduna jirtay gabadh yar oo adeeg u doontay xaafadooda oo lagu dhaawacay bac yar oo ay casho ku laalaadinaysay ,

Waxaa aad iyo aad wax loga murugoodo ah marka aad BUS soo raacdo shacabka Hargeisa ku nooli waxa qudhay ka sheekaysanayaan ay noqoto xalay imisa qof ayaa xafadeheena wax la yeelay ,,

Oo maxaad ka sheegi Laba habeen ayaa ka soo wareegay markay Boobeen dukaan ku yaala waddada ugu wayn magalaada ,

Xalay ayaa waxaa dhacday in ay xataa wax iskaga tiring waayaan Gaadhigi POLICE-ka iyaga oo shiid Hadh-ka kaga dhigay ,

Su,aasha is waydiinta lihi waxay tahay Dawladu ma awood ay inamada yar yar ee amaanka khalkhalka galiyey ayey awood u wayday , ma hagrasho kale ayaa jirta  .

Islaantii jirtay waxaa laga hayaa (Ninka xoogan lihi inantayda kamuu dhali waayine uu hargranayaa }

Abdinour Mohamed Carab

Comments are closed