|

Shacabka Jowhar oo bililiqeystay xafiisyadii Shabaab ee ku lahaayeen Magaaladaasi

Jowhar De, 09, 2012 (SDN)—Wararkii ugu dambeeyay ee ka imaanaya Magaalada Jowhar ee xarunta Gobalka Shabeelaha Dhexe ciidamada Dowladda Soomaaliya iyo kuwa AMISOM ayaa guud ahaan Magaalada Jowhar si toos ah gacanta ugu dhigay.

Ciidamada Dowladda Soomaaliya iyo kuwa AMISOM ayaa la sheegay inay iminka ku sugan yihiin Saldhiga Degmada Jowhar ee xarunta Gobalkaasi Garoonka diyaaradaha iyo sidoo kale xeradii hore ee ciidamada Dowladda ee Gobalka Shabeelaha Dhexe Congo halkaasi oo AMISOM ay fariisimo ka sameesteen.

Sida ay sheegayaan shacabka Degmada Jowhar dhawaqa rasaas xoogan ayaa laga maqlayaa gudaha Magaalada taasi oo ciidanka Dowladda Soomaaliya ku kala eryayaan shacabka Jowhar oo ku yaacay xafiisyada Al-Shabaab.

Shacabka Jowhar ayaa bililiqeysanaya guud ahaan xafiisyadii ururka Al-Shabaab ay ku lahaayeen Magaaladaasi iyaga oo aad ucadheysan shacabka.

Ciidamada Dowladda Soomalaiya ayaa la sheegay inay la wareegeen gacan ku haynta Degmada Mahadaay ee Gobalkaasi Shabeelaha Dhexe halkaasi oo ciidamadii Shabaab ku sugnaa ay isaga baxeen.

Ciidanka Shabaab ee ka baxay guud ahaan Degmada Jowhar iyo Degmada Mahadaay ayaa waxa ay aadeen sida aan wararka ku helnay Degmada Buulo burde ee Gobalka Hiiraan halkaasi oo ay ku sugan yihiin Masuuliyiin ka tirsan Shabaab.

Lawareegitaanka Degmada Jowhar ee ay la wareegeen ciidamada Dowladda Soomaaliya iyo kuwa AMISOM ayaa macnaheeda wuxuu yahay hadaf ciidanka Dowladda Soomaaliya muddo ay ku taamayeen oo ay maanta gaareen.

Degmada Jowhar ee xarunta Gobalka Shabeelaha Dhexe ayaa waxaa muddo maamulayey ururka Al-Shabaab iyaga oo ugu dambeyn maanta waayay gacan ku haynta Degmadaasi.

Al-Shabaab ilaa iyo iminka kama aysan hadlin la wareegitaanka Degmada Jowhar oo saaka ay baneeyeen ciidamooda.

Shacabka Degmada Jowhar ayaa sheegay in maanta koow ay u tahay sanado kadib maamul ka duwan maamulkii ururka Al-Shabaab ee gacan ku haynta Degmada Jowhar maamul jiray.

SDN-Jowhar

Comments are closed