|

Shacabka Iyo Maamulka Kismayo Oo Ku Jira Diyaar-garowgii Ugu Dambeeyey ee Lagu Soo Dhaweynayey Ra’isal Wasaare Cabdiweli oo Halkaas Ku Wajahan

Kismaayo:12-April-2014 (SDN)-Guud ahaanba Shacabka  iyo Masuuliyiinta Kismayo, ayaa si weyn ugu diyaar-garoobaya soo Dhaweynta Ra’isal wasaaraha Somalia oo Lagu Wado inuu Halkaas Booqasho ku Tago.

hlMaamulka ku-meel-gaadhka ah ee Jubba ayaa warbaahinta u sheegay inay wadaan diyaargarow xooggan oo lagu soo dhoweynayo R/wasaaraha Soomaaliya oo iyagu qudhooda ku wargeliyey inuu ku soo Wajahan yahay.

Macallin Maxamed, wasiirka arrimaha bulshada ee maamulka KMG ee Jubba oo warbaahinta la hadlay ayaa xusay in magaalada ay hadda ka socdaan dabbaal degyo lagu bandhigayo ciyaaraha hiddaha iyo dhaqanka Soomaaliyeed.

“Dabbaal degyada ka socda magaalada Kismaayo waa ay sii socon doonaan inta uu ka imanayo ra’iisul wasaare Cabdiweli” ayuu Sheegaywasiirka oo saxaafadda la hadlay.

Amniga magaalada Kismaayo ayaa aad loo adkeeyay, waxaana magaalada oo dhan la soo dhoobay ciidamada amniga si booqashada R/wasaaraha Soomaaliya ay u noqoto mid nabdoon.

Tani ayaa ku soo beegmeysa xilli Ra’iisul wasaaraha Soomaaliya uu dhowaan booqashooyin ku  Tegay magaalooyinka Buulo-Burde iyo Jowhar, halkaasi oo si weyn loogu soo dhoweeyay.

Safarradan Ra’isal wasaaraha ayaa looga Danleeyahay sidii Meesha looga Saari lahaa Shakiga Shacabka ku jira ee La Xidhiidha inaanay Masuuliyiinta Dawladda Federalka ahi Tegi Karin Goobo ka Baxsan Muqdishada ay gacanta ku Hayaan, waxana uu Ra’isal wasaaruhu uu Hadda ka hor Booqashooyin ku Tegay Goobo aan Ammaankooda la isku Hallayn Karin oo uu soo Dhaweyn iyo Niyad wanaag kala Kulmay.

S.D.N

Contact@somalidiasporanews.com

Comments are closed