|

Shacabka Iraan oo soo Dhaweeyay Doorashada Madaxweyne Qunyar Socod ah

Tehran June 16,2013(SDN)-Dalweynaha Iraan ayaa si weyn looga soo dhaweeyay natiijadii Doorashooyinkii madaxweynaha ee dalkaasi dhawaanta ka dhacday.

Shacabka reer Iraan ayaa in ka badan kala bar waxa ay u codeeyeen Musharax aan la fileyn in uu tartanka ku guuleysto oo magaciisana la yiraahdo Axmed Rooxaani.

Rooxaani ayaa lagu sheegay in uu yahay siyaasi qunyar socod ah oo ay suurtogal tahay in uu isu dheeli tiro awoodaha guddida sare ee diiniga ah ee dalkaasi u talisa iyo kafaalo qaadka baahiyaha bulshadeed ee u baahan xiriirka caalamka.

Shacabka reer Iraan ayaa filayay in mid ka mid ah musharixiinta ku xiran hogaanka sare xagjiriinta maamula dalkaasi uu hogaanka ku guuleysto.

Kolkii lagu dhawaaqay Guusha Axmed Rooxaani ayaa isu soo baxyo ay ka dheceen Wadooyinka magaalooyinka waa weyn ee dalka Iraan

Sidoo kale Saxaafada caalamka ayaa ka faaloonayay waxa ay uga dhigan tahay dalka Iraan doorashada madaxweyne qunyar socod ah oo xilgan xilka la wareega.

Dalka Iraan ayaa sanadihii udanbeeyay ee uu madaxweynaha ka ahaa madaxweyne Maxamuud Axmedinijad waxa uu ku jiray godoon siyaasadeed oo ka dhalatay siyaasadaha hogaamihaasi.

Haatana Iraan iyo caalamkuba waxa ay dhawrayaan sida madaxweynaha cusubi wax uga bedelo sida Iraan calamka iyo muwaadiniinteedaba ay ula macaamisho.

Madaxweynaha Iraan ayaan awoodo badan oo dastuuri ah leheyn balse waxa uu inta badan ku dhaqmaa shuruuc siyaasadeed oo ay dejiyeen hogaanka sare ee dalkaasi oo ah gole ay wadaado ku mideysan yihiin.

SDN-Tehran
contact@somalidiasporanews.com

Comments are closed