“Shabakada Wikileaks Wixii ay Qortay Waa Xaqiiq,Mana ah Shabakad Yar” Xoghayaha Guud ee Xisbiga Kulmiye DAAWO
Hargaysa 14.July 2015 (SDN/QJ)- Xoghayaha Guud ee Xisbiga Kulmiye Xasan Siciid Yuusuf ayaa Markii kowaad ka hadlay Warqada ay faafisay Shabkada siraha adduunka faafisa ee
Wikileak ,Waxaanu Cadeeyay Jiritaanka Warkaas isagoo xusay in Shabakadani Waxyaabo Xaqiiqo ah ay qorto.
Xoghayaha guud ee Kulmiye ayaa sheegay inaanay eedaha mucaaridka waxba ka jirin isagoo sidoo kale cadeeyay in Muuse Biixi Cabdi yahay Gudoomiyaha xisbiga Kulmiye , hadal hore uga soo yeedhay guddoomiye ku xigeenka Xisbiga Waddani Axmed Muumin Seed ee ahaa inuu Muuse Biixi soo xoqayo nabaradii ay ka tageen dagaaladii sokeeyana waxaa uu ku tilmaamay inaanu u hadal sidii gudoomiye xisbi balse uu u hadlay sida dumarka iyo caruurta.