Shabakada Qurbejoog.com Ka Dhagayso Barnaamij Gaar ah oo Ku Saabsan Shaqaaqadii Deegaanka Docalaha iyo Wasiirka Arrimaha Gudaha {DHAGAYSO}
Oog 13.Jan 2014 (SDN)- Wufuud Tiro badan ayaa Gaadhay Deegaanka Doclaha ee Shaqaaqadu ku dhex martay Laba Beelood oo Walaalo ah taas oo Sababtay Dhimashada Afar Qof iyo dhaawaca Laba kale .
Ergada Nabadeed oo ka kala Socday Xukuumada,Madax dhaqameedyo iyo Mas’uuliyiin Xilal kala Duwan haya ayaa Weftiga Dawlada Somaliland oo uu Hogaaminayo Wasiirka Arrimaha Guduhu Waxay Kulamo Gooni Gooni ah ah kula Yeesheen Deegaanka Oog iyo Docaha labada Beelood ee dhibku ka dhex dhacay Waxaanay u Qadimeen Xabad Joojin aan Shuruud lahayn,Sidoo kale Waxay ka dalbadeen inay ka Dhawrsoonaadaan Wax kasta oo Saamayn ku Yeelan kara Nabad ku wada noolaanshaha.
Weftiga Wasiirka Arrimaha Guduhu waxaa kale Cuqaasha iyo Wax garadka labad ardaa inay u dhego Nuglaadan Ciidamada Qaranka oo Mas’uul ka ah Aslaaxinta Nabadgalyada iyo Ergooyinka Ceelalyada Nabadeed ah.
Shabakada Qurbejoog.com Waxay halkan Idiinku Soo Gudbinaysaa Qaabkii uu Wada hadaladu u qabsoomeen.
Guji Halkan oo Mobilkaaga ka Dhagayso Nuxurka Khudbadihii Deegaanka Doclaha
[peckplayer id=”1″ sound=”http://www.qurbejoog.com/waraysiyo/doclahaa(1).mp3″]
Oog SDN.
Qurbejoog.com