|

Shabaaka oo Suaallo cajiib ah weydiinayay dadkii ay ku weerareen Kenya

Nairobi June 17, 2014(SDN/QJ)-Melishaad ka amar qaata kooxda Al Shabaab oo weerar ay ku dhinteen ilaa 50 ruux ayaa la sheegay in ay dadka weydiinayeen suaalo ka careysiiyay dakii la laayay reerahooda.

Kooxda Shabaabka ka tirsan ee weerartay tuula xeebeedka ku taal xadka Soomaaliya ee Mpeketoni  ayaa dad goobjoogryaal ahi sheegeen in la weydiiyay dadka la laayay in ay Muslim ahaayeen  intaan la dilin.

Shabaabka ayaa sheegay in weerarku jawaab u ahaa xasuuqa ay ciidamada Kenya ku hayaan Muslimiinta ku nool dalalka Kenya iyo Soomaaliya .

Dawlada Kenya ayaa shaacisay in ay tilaabo ka qaadi doonto kooxdii weerarka geysatay balse shicibka Kenya khaasatan kuwooda ku nool xadka Soomalaiya Ayaan aaminsaneyn balan qaadyada amaan ee dawlada Kenya.

Kenya ayaa intii ka danbeysay kolkii ciidamadoodu galeen Soomaaliya sanadkii 2011kii waxa hoos u dhac baahsani uu ka soo gaaray gardaradaasi.

SDN/QJ-Nairobi

contact@qurbejoog.com

Comments are closed