|

Shabaabka Oo Xalay Weeraray Xeryo ay Deggen yihiin Ciidamada AMISOM Oo Ku Yaalla Duleedka Muqdisho

Muqdisho:April,27,2014 (SDN/QJ)-Waxa Habeenkii xalay ahaa uu Dagaal xooggani ka dhacay Deegaanka Arbacow ee   Duleedka Magaalada Muqdisho.

dagaal-baanDagaalka oo uu u dhexeeyay ciidamada dowladda iyo kuwa AMISOM oo dhinac ah iyo Al-Shabaab ayaa socday muddo ku dhow 30-daqiiqo, waxaana la issku adeegsaday hub culus sidda ay lee yihiin dadka deeganka.

Dagaalka ayaa ku billowday markii dagaallamayaasha Shabaab ay weerar ku qaadeen fadhiisin ciidamada AMISOM ay ku leeyihiin deeganka Ceelasha Biyaha ee duleedka Muqdisho, halkaas oo Ciidankuna ay jawaab ka bixiyeen Weerarka qabsaday.

Madaafiic culus ayaa ku dhaceysay goobo ka fog goobta dagaalka uu ka dhacay oo ay ka mid tahay Meelo Magaalada Dhexdeeda ah oo ay dad rauyid ahi deggen yihiin.

Waxaa jira khasaaro soo kala gaadhay dhinacyada dagaallamay balse xog badan lagama hayo, maadaama ay habeen ahayd oo aan waxba la ogaankarin

Ma jirto cid ka hadashay dagaalka Xalay ka dhacay deeganka Ceelaha Biyaha ee duleedka Muqdisho, waxase la filayaa inay maanta labada dhinacba ka Hadlaan.

Ururka Alshabaab ayaa muddooyinkan dambe si xawli ah u weerarayey Fadhiisimada Ciidamada Amisom iyo kuwa Dawladda, waxana jirey Goobo ay libin ka soo Hooyeen.

 

SDN/QJ

timo@qurbejoog.com

Contact@somalidiasporanews.com

Comments are closed