Shabaabka oo weerar ku dhaawacay shaqaale u dhashay Turkiga oo Muqdisho ku sugan
Muqdisho April 10,2014(SDN)-Weerar ay kooxda Al Shabaab ku qaadeen goobta uu ka socdo dhismaha Safaarada Turkiga ee magaalada Muqdisho ayaa waxa ku dhaawacmay muwaadiniin Turki ah.
Shabaabka ayaa madaafiic ku garaacay goobta dhismuhu ka socdao isla markaana mid madaafiicdooda ka mida la helay dhisme ay ku jireen shaqaale u dhashay dalka Turkiga.
Warbaahinta Turkiga oo weerarkan wax ka qoray ayaa sheegay in ilaa laba ruux oo Turki ah ay ku dhaawacmeen weerarka Shabaabku ku qaadeen safaarada Turkigu ku leeyahay Muqdisho.
Dhaawaca shaqaalaha Turkiga ayaa la geeyay cusbitaal ay Turkigu ku leeyihiin Muqdisho waxaana sidoo kale duyuurado dhaawaxa soo qaada laga diray dalka Turkiga.
Shabaabka iyo dawlada Turkiga Ayaan ka hadal weerarkan balse ma aha markii u horeysay ee Shabaabku weeraraan xarumaha Turkiga ee Muqdisho.
SDN-Muqdisho
contact@somalidiasporanews.com