|

Shabaabka oo sheegay in lixdan jir Norway ka yimi uu isku qarxiyay Buulo Burte

Muqdisho Mar 20,2014(SDN)-Kooxda Al Shabaab ayaa shaaca ka qaaday in nin dhawaan isku qarxiyay magaalada Buulo Burte uu ahaa ninlixdan jir ah ka yimi dalka Norway.

Qaraxaa oo lala beegsaday Hotel ku yaal Buulo Burte ayaa waxa ku geeriyooday  dad u badnaa saraakiil ciidan iyo tiro shacab ah.

“Ninka ismiidaamiyay waxa uu ahaa lixdan jir Norway uga yimi siduu ula dagaalamihii lahaa gaalada dalka ku soo duushay”  sidaa waxa yiri afhayeenka hawlgalada Shabaab ee Abu Muscab.

Abu Muscab ayaa waxa uu sidoo kale saxaafada u soo bandhigay magaca ninkan heystay dhalashada dalka Norway oo uu ku shaagay Abdulaahi Axmed Cabdule.

“Falkani waxa uu na tusayaa in Jihaadku aanu ku xirneyn inta sanadood ee uu ruuxu jiro,sidoo kalena walaalkeen waxa uu bixiyay qiimihii u sareeyay si eebe uu ugu dhawaado”ayuu Abu Muscab yiri.

Shabaabka ayaa hore waxa dagaal dalka dibadiisa uga iman jiray dhalin yaro,tilaabadanina waxa ay noqoneysaa mid si weyn u baqe gelisa dalalka Qarbiga ee megengelyada siiyay Soomaali ciidaa ka badan.

SDN-Muqdisho

contact@somalidiasporanews.com

Comments are closed