Shabaabka oo qorsheeyay weeraro lagu qaado UK,USA iyo Walaaca reer Galbeedka(SIRO LA HELAY)
London July 12,2012(SDN)-Qorraalo dhawaan la soo bandhigay oo laga helay gaadhi uu watay madixii Al Qaacidada Africa oo ay Muqdisho ku dileen ciidamada dawlada KMG ah ee Soomaaliya.
Shabaabka ayaa u muuqda in qorshahooda argegixiso uu yahay mid aan ku koobneyn uun geeska Africa.
Qorshahan ayaa laga war helay kolkii sanad ka hor Muqdisho lagu dilay Fazul Cabdulah Maxamed ka dibna la baadhay gaadhi uu watay.
Shabaabka ayaa waxa ay qorsheynayaan in ay weeraraan degaano ay ka mid yihiin Eton College, Xaafado Yuhuudu degto HoteeladaRitz iyo Dorchester ee London,sida ku xusan qoraalada la helay.
Qoraaladan laga helay gaadhiga Fazul ayaa waxa ay muujinayaan sawir naxdin leh oo ka turjumaya sida qorsheyaasha Shabaabka ay uga midka yihiin weeraro loo geysto USA iyo UK.
“Ujjeedadayada aanu ku weerareyno London waa in aanu kharash yar khasaare baaxad leh ugu geysano bulshada Yuhuuda”ayaa lagu yidhi Qoraalada mid ka mida oo ka hadlayay Qorsheyaasha Caalemiga.
“Weerarda waa in ay la socdaan dacaayado baahiya ujeedada weerarada si musilimiintu u fahanto sababta weerarada oo ay ugu deydaan”.
Saraakiisha sirdoonka reer galbeedka ayaa haatan ku hawlan qiimeynta suurto galnimada qorshyaasha Shabaabka ee weerarada la geysanayo.
SDN-London
contact@somalidiasporanews.com