|

Shabaabka Oo Dhirbaaxo Kale Ku Dhuftay Goobaha Dalxiiska ee Dalka Kenya

Lamu:June,16,2014(SDN/QJ)-Huteello iyo Saldhig Boolis oo ku Yaalla Deegaanka Mpeketoni ayaa waxa Habeenkii xalay weeraray Kooxo Loo Malaynayo Inay shabaab ka tirsan yihiin.

dalxiSaraakiisha Booliska ayaa sheegaya Dadka Weeraray Jasiirrada Loo Dalxiis tago ee Lamu ay ka tirsan yihiin kooxda Al-shabaab.

Dad goob joogayaal ah ayaa sheegay inay arkeen dhismayaal dab uu qabsaday iyo is-rasaaseyn xooggan oo ka dhaceysa deegaankaasi.

“Waxaan arkay ugu yaraan meydadka lix qof oo dhulka yaalla” ayuu yidhi qof goob-jooge ah.

Dagaal yahannada ayaa lagu warramay inay hubka iyo gaadiidka kasoo dhaceen saldhigga booliiska Mpeketoni, kadib markii ay dab qabadsiiyeen, intaas kadibna ay Goobta iskaga Baxsadeen.

Dhammaan dadkii deggenaa deegaanka Mpeketoni, ayaa la sheegay inay u qaxeen keymaha, kadib markii uu weerarka billowday 8-dii habeennimo ee xalay oo axad ahayd.

Afhayeen u hadlay ciidaamda Kenya Major Emmanuel Chirchir, ayaa sheegay in dableyda ay soo galeen Mpeketoni, kadibna ay rasaas oodda ka qaadeen.

Taliyaha booliiska Mpeketoni Hamaton Mwaliko, ayaa isna wakaaladda wararka ee Reuters u sheegay in dagaalyahannada Al-Shabaab ay afduubteen baabuur yaallay magaalada Witu, kadibna ay weerarka kusoo qaadeen.

“Waxay marka hore weerareen saldhigga booliiska ee Mpeketoni, kadibna Hoteello badan oo uu ku jiro Farmers Hotel” ayuu yidhi sarkaalku.

Weerarkan ka dhacay jasiiradda dalxiis ee Lamu, ayaa sii wiiqaya dhaqaalihii dalxiiska ee Kenya, oo markii horeba dhulka sii galayey, kadib weeraro is-daba joog ah oo dalkaas ka dhacay.

SDN/QJ-

timo@qurbejoog.com

 Contact@somalidasporanews.com

Comments are closed