|

Shabaabka oo Cunaqabateyn ku soo rogay magaalooyinkii dhawaanta laga saaray

Muqdisho April 13,2014(SDN/QJ)-Kooxda Al Shabaab ayaa cunaqabateyn ku soo rogay magaalooyin dhawaan ay ka saareen ciidamada AMISOM ee Midawga Africa.

Kooxda Shabaabka ayaan ku dagaalamin gebi ahaanma dhawr magaalo oo ay gacanta ku hayeen sanadihii u danbeeyay.

Shabaabka ayaa magaalooyinka ku yaal koonfurta Soomaaliya u isticmaali jiray in ay ka qortaan dhalinyaro u dagaalanta isla markaana shacabka degen magaalooyinkaasi ka urursan jiro lacago baad ah.

Shabaabka ayaa haatan ku sugan magaalooyinka laga saaray duleedyadooda isla markaana u diidat gawaarida xamuulku in ay magaalooyinkaa geeyaan raashin iyo shidaal.

Waxaana la dareemayaa miciishada kooban ee haatan gaarta magaalooyinka Ceel-buur,Buulo-burto,Jowhar iyo qaar kale ayaa waxa laga dareemaya sicir barar xad dhaaf ah.

Si kastaba ha ahaatee Shacabka ku nool magaalooyinkaas ayaa sheegay in ay filayeen in xaaladoodu is-bedesho mar hadii laga dulqaaday Shabaabkii tacadiga faraha badan ku hayay mudada dheer.

Dawlada Soomaaliya iyo ciidamada AMISOM ayaan awood in ay buuxiyaan kaalinta dawlanimo ee ay shacabka magaaloyinkaasi baahida weyn mudada dheer u qabeen.

SDN/QJ-Muqdisho

contact@qurbejoog.com

contact@somalidiasporanews.com

Comments are closed