Shabaabka iyo masuuliyadooda Waxa Nairobi ka Socda (FAALLO)
Nairobi April 13,2014(SDN/QJ)-Waxa maalmihii u danbeeyay magaalada Nairobi khasatan xaafada Soomaalidu ku badan tahay ee Eastleigh ka socday hawlgalo ay ciidamada Kenya ku ugaarsanayeen Soomaalida magaaladaa degan.
Hawlgalada ayaa waxa canbaareeyay ururada bulshooyinka iyo kuwa u dagaalama xuquuqda Aadanaha,sidoo kale waxa digniino dhawr ah arinkan ka soo saaray Qaramada Midoobey hayadeeda qaxootiga u qaabilsan ee UNHCR.
Waxa sidoo kale hawlgalada aad uga cabanayay Soomaalida arintani ay sida tooska ah u saameysay ee sida xoolaha loogu guray garoonka Kasarani ee magaalada Nairobi iyo eheladooda dunida dacaladeeda ku kala nool.
Waxaanse cidi isweydiin Waxa Soomaalidu markii horeba Nairobi ka qabaneysay ee dalkoodii ka soo eryay.
Waa colaadihii isdaba yiilay ee sababy uun burburka nolosha Soomaalida ee ay isaga danbeeyeen kooxo bertilmaameedkooda siyaasadeed aanu marnaba aheyn horukaca bulshada.
Kooxahaasi waxa ka sii nool Al Shabaab oo isla qumanaantooda waalida ahi ay sababtay in ubadku waalidkood laayaan isla markaana dadka haatan Nairobi ku sugan uu Sawaaxiligu caro kula dul dhaco.
Shacabkan dhibaateysan waxa ay doorbideen in Shabaabka ay ka ogolaadaan in ay aqaladoodii ka soo barekiciyaan iminkana waxa ay ogolaadeen in ay Nairobi ka baro kiciyaan.
Hadii Bakaaraha aad ugu ogolaatay in ay Shabaabku ku dhuumaaleystaan cidii ay doonaana ay dilaan ruuxii ay doonaana ay baad uga qaadaan, Sawaaxiligu taa kaa yeeli maayo.
Eastleigh rag baa leh Somalida iyo Shabaab midna ka ogolaan maayaan in ay ka burburiso,hadii aad ogolaateen Soomaaliyeey in Eastleigh aad ku qarisaan Shabaab,marbaa la idinka wada saari.
SDN/QJ-Nairobi
contact@qurbejoog.com