Shabaab oo weeraray Hilowle Gaab
Muqdisho January 06, 2023 (QJ) – Dagaal u dhexeeya ciidamada dowlada oo kaashanaya dadka degaanka iyo Al shabab ayaa saaka waabarigii ka qarxay degaanka Hilowle Gaab ee gobolka Shabellaha dhexe.
xoogaga Alshabaab ayaa la sheegay in ay weerar qaraxyo ku bilowday ku soo qaadeen goobaha ay fadhiyaan ciidamada huwanta ee degaanka Hilowle gaab. afhayeenka gobolka Shabeelaha dhexe Dauud Xaaji Cirro ayaa sheegay in ciidamada Dawlada iyo dadka degaanka oo iskaashanaya ay iska caabiyeen weerar saaka aroortii lagu soo qaaday, balse qiray in dagaalka saaka ay ku dhinteen saraakiil iyo askar ka tirsan ciidamada Dawlada.
Dhanka kale afhayeenka howlgalada Al-shabaab C/casiis Abuu Muscab ayaa isna sheegtay in Shabaabku ay goobihii ciidanka ee degaankaa ay burburiyeen isla markaana hukii iyo gaadiid halka yiilay ay qaateen.
Ciidamada dowladda iyo kuwa deegaanka ayaa isbuucyo kahor Al Shabaab kala wareegay deegaanka Hilowlo Gaab oo kuyaalla xadka kala qeybiya gobolada Shabeelaha Dhaxe iyo Galgaduud.