Shabaab oo ku hanjabay in ay Calanka Madow ka tagayaan Magaalada Boosaaso gobolka Bari
Ururka Al-Shabaab ayaa waxa uu sheegay in ay haatan ka suri doonaan Magaalada Boosaaso calamadii laga dajiyay magaalooyinka ku yaala koonfurta Soomaaliya kadib Markii looga adkaaday.
Afhayeenka Xarakada Al-Shabaab ali Maxamuud Raage Cali dheere oo shir jaraa’id uu soo dhigay baraha Internet-ka Xarakadaasi ay kuleeyihiin ayaa waxa uu kaga hadlay arimo farabadan.
Cali dheere ayaa waxa uu tilmaamay in ay haatan Weerar culus ku yihiin Deegaanada maamulka Puntland gaar ahaan Magaalada Boosaso ee Xarunta Gobolka Bari.
Waxaana Uu ku tilmaamay Afhayeenku inuu yahay Maamulka haatan kajira Magaaladaasi inuu yahay Maamul Shaydaan Sida uu yiri .
“ Calamadeenii laga dajiyay Magaalooyinka Koonfurta Soomaaliya waxa haatan ka taageynaa Magaalooyin ay kamid tahay Boosaaso” ayuu yiri Cali dheere.
Dadka Magaaalada Boosaaso ayuu sheegay in ay ka dulqaadayaan Dhibaatooyinka heysta iyo ciidamada maraykanka iyo itooniyaanka ee magaaladaasi jooga sida uu yiri.
Dhanka kale Cali dheere Afhayeenka Xarakada Al-Shabaab ayaa waxa uu ka hadlay Sandkii uu kororsaday Madaxweyne Faroole, waxaana uuna ku sheegay in ay tahay Mid Xaqdaro ah.
Maalmihii ugu dambeeyay ayay ahayd Markii Weeraro xoogan laga geysanayay magaaladda Boosaaso waxaana warkan uu kusoo aadaya xili wasiirka amniga puntland uu ka digay dhibaatada Al-Shabaab.