Shabaab oo jab kala kulmay dagaal ay maleeshiya beeled kula galeen gobalka Gal-guduud.
Ceel Garas 15.Aug 2013 (SDN)- Wararka laga helaayo deegaanada Ceel Garas, xiin dheere iyo Caada kibir oo guud ahaa dhaca gobalka Gal-guduud ee bartamaha dalka Soomaaliya ayaa waxa ay sheegayaan in maleeshiya beeleed kasoo jeeda beesha Maxamuud Hiraab ay dhabaha u galeen dagaalamayaal Shabaab ah oo doonayay in ay ka joojiyaan baraago deegaanka ku yaalla oo ay doonayeen in ay bur-buriyaan kadib markii ay isku qabteen beesha reer Xaaji Saleebaan oo ay deegaanka wada degaan ayna isku hayaan dhismaha baraagahaasi.
Dagaalka oo bilaawday kadib markii Shabaabku ay u direen deegaanada Ceel Garas, xiin dheere iyo Caada kibir 50 dagaalame si maleeshiyaadka ay uga celshaan bur-burinta baraagaha ay qoteen beesha reer xaaji Saleebaan hasa yeeshee ay ka war heleen maleeshiya beeleedku ayna wadada u galeen si ay uga hor tagaan duulaanka.
Dadka deegaanka ayaa waxa ay sheegayaan in dagaalkaasi oo shalay Maqribkii bilaawday gaarayna salaadii ceshaha uu sababay in Shabaabku ay halkaasi uga soo cararaan sedax ruux meydkood halka lix kale dhaawacoodana soo qaateen.
Lama sheegin wax qasaara ah oo gaaray maleeshiya beeleedkii jidka u galay shabaabka, waxaana deegaanka Ceel Garas, xiin dheere iyo Caada kibir saaka lagu arkayay meydadka sedaxdii dagaalame ee shabaabka laga khaarijyay.
Ceel Garas, xiin dheere iyo Caada kibir ayaa waxaa ku yaalla baraago ay kala dhiseen beelaha Maxamuud Hiraab iyo heer Xaaji Saleebaan iyada oo dhowr jeer arintaasi Shabaabku ay dhex galeen inkasta oo aysn xal la taaba karo ka gaarin.
Ceel Garas SDN.
contact@somalidiasporanews.com