Shabaab Oo Gacanta Ku Dhigtay Doon Ciidamada AMISOM Sahay u Sidday
Barawe:Nov,24,2014(SDN/QJ)-Kooxda Al-shabaaba, ayaa sheegtay inay gacanta ku Hayso Dooni Nooca Xamuulka qaada ah, taas oo sahay kala duwan u sidday Ciidamada Amisom eek u sugan Deegaanka Barawe.
Warkan oo lagu baahiyey Warbaahinta Ururka Al-shabaab, ayaa lagu tilmaamay in dooniddan ay sida noocyo kala duwan oo sahay ah, waxana ay kusii jeeday degmada Barawe oo dhawaan Gacanta u gashay Ururka AMISOM.
Sidoo kale, waxa ay sheegen in Doonidaasi ay aheyd Nuuca Xamuulka qaada islamarkaana ay ka Shiraacatay Degmada Marka ee Xarun Goboleedka Shabellaha hoose kuna siijeeday Degmada Baraawe.
Doonta ayey Shabaabku sheegeen in ay siday Raashin iyo Jaad loo siday Ciidamada Midowga Afrika ee AMISOM ee Fadhiisinka ku leh Degmada Baraawe.
Dhanka kale, Arrintaani ayaa waxan weli ka hadlin Saraakiisha sar sare ee Ciidamada AMISOM, waxase adag in warkani uu run noqdo,maadaama aanay wali xaqiijin ciidamada AMISOM, isla-markaana aan la helin muuqaalka Doonidaas.
SDN/QJ