Shabaab oo beeniyay in ay wadahadal ka dalbadeen Dawlada
Muqdisho January 08, 2023 (QJ) -Al-shabaab ayaa manta shaaciyay in aysan wax wada-hadal ah ka dalban lana geli doonin dowladda Soomaaliya.
Al-shabaab ayaa beenisay hadal shalay ka soo yeeray wasiir ku xigeenka Gaashaandhiga Soomaaliya xil. Cabdifitaax Qaasim oo sheegay in Al-shabaab soo dalbadeen in wada-hadal lala furo. “Waxaan kuu xaqiijinayaa in aysan jirin wax wadahal ah oo naga dhexeeya ama naga dhaxayn kara anaga iyo kooxda dabadhilifka u ah gaalada caalamiga” ayaa laga soo xigtay Al-shabaab sida ay baahiyeen warbaahinta guddaha. Hadalkan ayaa imaanaya iyadoo oo uu manta uu Lataliyaha dhanka amniga qaranka ee madaxweynaha Soomaaliya Xuseen Macalin Maxamuud sheegay aaney waxba iska badalin mowqifka dowladda ee ku aadan dagaalka ka dhanka ah Al-shabaab.