|

Shabaab ka baxsaday xabsi ku yaal Gaalkacayo

Muqdisho August 05, 2024(QJ) –Wararka ka imaanaya waqooyiga magaalada Gaalkacyo ee Puntland ayaa sheegaya in xubno ka tirsan kooxda Al Shabaab ay xalay ka baxsadeen xabsi ku yaalla magaaladaasi. Dadkan baxsaday ayaa horay loogu xukumay dil iyo xabsi daa’in.

12 maxbuus oo xiriir la leh Al Shabaab ayaa ka baxsaday xabsi ku yaala waqooyiga Gaalkacyo. Ciidamada amaanka ayaa ku guuleestay in ay gacanta kusoo dhigaan 9 kamid ah shaqsiyaadkii baxsaday.

Maxaabiistan oo lagu tuhmayo in ay ka tirsan yihiin kooxaha argagixisada ah ayaa horay u qirtay in su’aalo la weeydiiyay in ay mas’uul ka ahaayeen dilal kala duwan oo magaalada Gaalkacyo loogu geystay dad shacab ah oo isugu jiray mas’uuliyiin iyo odayaal.

Ciidamada amaanka Puntland ayaa saaka bilaabay baaritaano lagu ogaanayo cidii fududeysay in xubnaha Al Shabaab ay ka baxsadaan xabsiga magaalada Gaalkacyo.

Baxsasho tan la mid ah ayaa dhacday sanado ka hor markii maxaabiis Al Shabaab ay ka soo furteen xabsi ku yaala waqooyiga Gaalkacyo. Qaar ka mid ah dadkii baxsaday ayaa markii dambe la toogtay, qaarna waa la qabtay, qaarna waxaa u suuragashay inay dib ugu biiraan Al Shabaab.

Comments are closed