Shabaab iyo Ahlu Sunna oo kawada hadlay dagaallo ka dhacay gobolka Gedo
Garbahaarey May 17 2013 (SDN)– Ururka Ahlu Sunna ee gobolka Gedo iyo Ururka Al Shabaab ayaa guulo kala duwan ka kala sheegtay dagaal ka dhacay deegaano ka tirsan gobolka Gedo.
Maxamed Xuseen Al Qaadi Afhayeenka Ururka Ahlu Sunna ee gobolka Gedo oo la hadlay Warbaahinta ayaa sheegay in dagaalo sadexdii maalmood ee u dambeeyey Ururka Al Shabaab ay kula galeen Gobolka, kana dhacay inta u dhaxeysa Garbahaarey Luuq iyo Balad Xaawo ay ku dileen ku dhawaad 13 dagaalyahan oo ay ku jiraan 2 sarkaal oo uu ku sheegay in ay ahaayeen ajaanib hubna ay dagaaladaasi kusoo furteen, waa siduu hadalka u dhigaye.
Dhanka kale Sh. Cabdi Casiis Abu Muscab Afhayeenka dhinaca howlgalada ee Ururka Al Shabaab ayaa sheegay in dagaalo ciidamadooda ay kula galeen ciidamada dowlada deegaan lagu magacaabo Cara Case oo u dhaxeeya Garbahaarey iyo Luuq ay ku dileen 12 askari 30 kalena ay ku dhaawaceen hub iyo xoolana ku qabsadeen, waa sida uu yiri’e.
Ma jirto ilo ka madax banaan sheegashada labada dhinaca oo xaqiijinaya sida ay wax u dhaceen, aydoona dagaalada u dhaxeeya Ciidamada dowlada iyo Ururka Al Shabaab ay inta badan guulo muhiim ah ka kala shaagtaan labada dhinac.
SDN-Garbahaarey