|

Sh.Muxamed Macalin oo Booqday Dawrada ay Munadamada Beder ka wado Gaalkacyo

Gaalkacyo : Booqashadaani uu Sh.Muxamed Macalin Axmed ku booqday  Ardayda wax kabarata Dawrada ay Munadamada Beder ee Ardada kabaxday  Machadka Al-Faaruuq kawado Magaalada Gaalkacyo laguna Qabtay Jaamacada  Bariga Afrika (Gaalkacyo) ayaa waxaa ku weheliyay Maamulaha Machadka Minhaaj ee Dacwada iyo Horumarinta Ustaad Muxamed Maxamuud Ciise , iyo Xubno
kale oo Mu’asasada katirsan.

Ujeedka Booqashada Sh.Muxamed Macalin ayaa waxaa ay ahayd sidii uu  Waano iyo Dardaaran ugusoo jeedin lahaa Ardada uguna dhiiri galin lahaa inay sii wadaan Barashada Diinta oo aysan ku ekayn Dawradaan oo kaliya.

Sh.Muxamed ayaa waxaa uu ardayda uga waramay Faaidada iyo Fadliga dheeriga ah ee Barashada Diintu ay leedahay waxaana uu sheegay in Qofka uu Alle khayrka la doono uu fahansiiyo Diinta iyada oo Barashada Diintuna ay tahay Wadadii loo marayay Fahanka diinta.
Dawrada oo ay ka faaidaysanayaan Rag iyo Dumarba ayaa waxaa Sh.Muxamed Macalin uu aad ugu dheeraaday WaanadaGabdhaha oo ah Hooyooyinka Mustaqbal , islamarkaana ah Tirada ugu badan ee Ardayda ka faaidaysanaysa Dawrada.

Dawrka Dhaliyarada kaga aadan u gargaarida Diinta Alle iyo Fidinteeda ayuu Sh.Muxamed Macalin ku dhiiri galiyay inay kasoo dhalaalaan oo ay u gutaan si qurux badan ayna ku daydaan Dadkii ka horeeyay iyada oo kaalinta Dhalinyarada kaga aadan u gargaarida Diinta Allana ay
iskugusoo biya Shubanayso in Dhalinyaradu :-
•       Ay Cilmiga Shareecada Bartaan.
•       in ay ku Dhaqmaan Cilmiga ay Barteen.
•       in ay ka fogaadaan Khilaafka iyo kala taga Dadkana ay ugu digaan.
•       in ay ku dadaalaan isu soo dhawaynta Quluubta Dadwaynaha Muslimiinta ah.
•       in ay Dadka caawiyaan ayna Wanaaga faraan Xumaantana ugu digaan.
•       in ay aad ugu dadaalan Dadka inay Dacwada u gaarsiiyaan Qof  , Qof.
•       in ay ka shaqeeyaan sidii loo horumarin lahaa Dacwada Diinta Islaamka.
iyo kuwo kale oo fara badan.

Si kastaba ha ahaateen Booqashadaani uu Sh.Muxamed Macalin ku tagay Dawrada ka soconaysa Jaamacada Bariga Afrika ee ay ay qabanayso Munadamada (Urur) Beder ayaa waxaa uu qayb ka yahay Hawlo Dacwo oo Shiikhu uu u joogo Magaalada Gaalkacyo.

Displaying DSC09256.jpg

Displaying DSC09253.JPG

Displaying DSC09257.jpg

Displaying DSC09276.jpgDisplaying DSC09279.jpgDisplaying DSC09274.jpg

 
Cabdiraxmaan Bilaal Caad (Sanka)

 

Comments are closed