|

Saylici Oo Ka Cadhooday Falkii Lagu Hakiyey Barnaamijkii Idil Barkhad iyo Maareeye Gaas Oo Wali Labac-labac ku Jira.

Hargeysa:Aug,01,2014(SDN/QJ)-Tallaabadii uu dhawaan Maareeyaha TV-ga qaranka Somaliland Khadar Cali Gaas Ku Joojiyey Waraysigii sida tooska ah looga qaadayey Fannaanada Reer Borama ee Idil Barkhad, ayaa gaadhay heerkii ugu sarreeyey, kadib markii uu madaxweyne-ku-xigeenka Somaliland si cadho leh uga falciyey.

idil barkhadSida ay sheegayaan wararka ay heshay qurbejoog.com, waxa farriimo dhiif leh oo arrintan lagaga soo horjeedo madaxweyne-ku-xigeenka gaadhsiiyey Saraakiil iyo odayaal reer Borama ah, kuwaas oo hortiisa ka sheegay in tallaabadaas ay u qaateen inaan dalkan waxba u oolin, isla-markaana loo baahan yahay in jawaab degdeg ah laga bixiyo.

Mudane Saylici oo  sida la sheegay  aan war badan Haynin ayaa dhegaysi dheer kadib dadkii arrintan uga sheekaynayey u sheegay inuu la qabo cadhada iyo muragada ay arrintaasi dhalisay, isla-markaana uu tallaabo degdeg ah qaadi doono, maadaama isku daygaasi u baahan yahay cudur-daar adag oo laga bixiyo sababta keenay.

Mudane Saylici ayaa tallaabooyinka u qaaday ka Bilaabay Sida la sheegay inuu Wasiirka Xidhiidhka Golayaasha Cali Xaamud Jibriil u diro Xarunta Warfaafinta, kaas oo cadho kula dhex dhacay maamulka wasaaradaas, isla-markaana u sheegay in looga Fadhiyo caddaymaha sababo lagu qanci karo oo sheegaya sababta loo joojiyey barnaamijkaas.

Sida la sheegayo wasiir cukuse  ayaa isagu masuuliyadda arrintan iskaga riixay dhica Maareeyaha, kaas oo markii loo tegay bixin waayey wax cudur-daar ah.

Cali siciid iyo Maareeyaha ayaa la sheegayaa inay dhex martay  dood dheer oo la xidhiidh sababta Fannaanada looga Joojiyey Waraysiga ay ku jirtay, waxana uu Maareeyuhu hadalkiisa Dhaafin waayey  inuu amar meel sare kaga yimi ku joojiyey arrintaas oo aanay isagaku Koobnayn.

 

Cali Xaamud Jibriil ayaa isaga oo aan jawaab lagu qanci karo haynin ku soo noqday Aqalka Madaxtooyada, waxana arrintaas markale ka cadhooday Madaxweyne-ku-xeenka oo tilmaamay inay noqon karto arrintani mid ay ka dhalan karto dhibaato iyo isku dhacyo shacanka dhexdooda ahi.

Ilaa iyo haatan kooxda Warfaafintu ma ay bixin wax qancin kara fannaanada iyo shacabka kale ee arrintani taabatay midna, waxana sii kordhaya xararaada ay arintani kicisay, iyadoo u muuqata mid furdaaminteeda lala sugayo Madaxweyne Siilaanyo iyo waftiga la socda.

Daka qaar u dhuun daloola arrimaha Madaxtooyada, ayaa sheegaya inay Wasiir Samsam oo ah shakhsiga Maareeyaha ku Hayso shaqada uu qaranka u hayaa soo dalbatay in lala sugo arrinta, isla-markaana ay iyagu dhibka taagan dhamayn doonto, iyadoo raalligelin soo siisay ciddii arrintaas dhibsaday.

Maareeyaha ayaa isagu ku adkaysanaya inuu amar sare ku qaaday tallaabadan dhibka dhalisay, balse waxa la garan la’yahay cidda bixisay Amarkaas qaldan ee keeni kara naca iyo dhibka ku kala dhex dhici kara shucuubka walaalaha  ee reer Somaliland.

 

 

 

SDN/QJ

timo@qurbejoog.com

Contact@somalidiasporanews.com

 

Comments are closed