|

Sayladda Xoolaha Hargeysa Oo Halis Ugu Jirta Inay Cudurro Ka Dillaacaan Iyo Bakhtiga Xoolaha Oo Buuxdhaafiyey

Hargeysa:Aug,20,2014(SDN/QJ)-Goobta Lagu kala Iibsado Xoolaha La Keeno Hargeysa ee Sayladda Loo yaqaanno, ayaa wax aka taagan Duruufo Nololeed halis ku ah Jiritaanka dadka iyo Xoolaha Halkaas la keeno.

badhkGoobtaas ayaa Hoy u noqotay Xashuush  xad-dhaaf ah iyo daryeel la’aan ka dhalatay Dawladdii hoose ee Hargeysa oo Ka Gaabisay inay waajibkeeda ka qaadato baahiyaha aasaasiga ah ah Halkaas ka taagan, kuwaas oo dadka iyo Xooluhuba Haatan aad ugu baahan yihiin.

Harraad daran ayaa Haysta Xoolaha Sayladda la keeno oo waayey Gooobo lagu waraabiyo, waxana Booyadii Loogu talo galay inay Biyaha u shubto la sheegay inuu Maayarku siiyey Wasaaradda Gaashaandhigga Somaliland.

Sayladda Xoolaha ayaa waxa kasoo baxaya qaylo-dhaan badan oo la xidhiidha caafimaad darro iyo dhibaato ka jirta halkaas, waxana buux dhaafiyey xashiish iyo Bakhtiga xoolaha oo hadhaagoodi wali ka buuxo, isla-markaana halis ku ah caafimaadka Dadka.

Koox ka tirsan Wariyayaasha ka hawl gala Caasimadda oo iyagu Booqasho ku tegay Sayladda Xoolaha Hargeysa, ayaa inadhahooda ku soo arkay xashiis iyo Bakhtiga Xoolaha oo is dhex yaalla, waxan arrintaas si weyn uga cabanaya dadka sayladda ku ganacsada oo dhibaato  ku qaba daryeel la’aanta dawladda Hoose ku Hayso halkaas.

Waxa indhaha wariyayaashu qabteen Tiro taangiyo ah oo loogu talo galay in Xoolaha Biyaha loogu shubo, kuwaas oo iska Haawanaya oo aanay jirin wax biyo ah oo lagu shubay tan iyo markii meesha la dhigay.

Sidoo  kale waxa Halkaas ka muuqda Dararkii ama Goobihii loogu talo galay in xoolaha Biyaha loogu shubo oo iska Aasmay, isla-markaana Ciid iyo xashiish dusha ka fuuleen oo aan muuqanin.

Goobo hadh ah  hore loogu talo galay in xoolaha loo hadhiyo ayaa iyagana waxa ku ganacsanaya dad gaar ah, waxana xooluhu taagan yihiin Meel milic ah ama cadceed kululi ka dhacayso, waxana ay dadku eedda arrimahaas dusha ka saarayana Dawladda Hoose ee Hargeysa oo  iyada la sheegay inay kaliya Meesha lacago cashuur ah oo ka urursato.

Xildhibaanada Golaha deegaanka Hargeysa oo muddo kooban dalka joogay, ayaan wax horumar ah samaynin, waxana haatan  shacabku si weyn u hadal hayaan sababta  ay ugu daawanayaan dhibaatada ka taagan sayladda Xoolaha Hargeysa oo xoolo muddo hore Bakhtiyey wali dhex jiifaan.

Maayarka iyo Masuuliyiinta kale ee Dawladda Hoose ee Hargeysa, ayaa iyagu iska diiday inay ka jawaabaan dhibaatada ka taagan Sayladda iyo caafimaad-darrada ka soo foolka leh, waxana dadka halkaas ku ganacsadaa sheegeen inay arkaan oo kaliya dadka dawladda hoose u shaqeeya ee cashuurta qaada.

 

 

SDN/QJ

timo@qurbejoog.com

Contact@somalidiasporanews.com

 

 

Comments are closed